shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmada Caabudwaaq oo laga soo dhaweeyay dowlada cusub ee Soomaaliya
 

(Caabudwaaq,  February 15,  2009 Ceegaag Online)  

Dibadbaxaan lagu taageerayo Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweeyne Sh/shariif ayaa waxaa soo abaabulay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka G/gaduud Mudane C/qani Warsame Jaamac iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Caabduwaaq Mudane Axmed soobe waxaa sidoo kale is kusoobaxaan ka soo qayb galay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka iyo ururada bulshada.

Banaan-baxaan oo ahaa mid si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday kadib markii ay dadka mudaharaaday ay lug ku soo mareen wadooyinka magaalada ugu danbeeyntii waxaa ay iskugu yimaadaan barxada weeyn ee magaaladaasi waxaana halkaas halku dhigyo kasoo jeediyay qaarka mid ah abwaano oo ka tiriyay gabayo ay ku amaanayaan Shiiq Shariif iyo Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid.

Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay Nabadoono ay ka mid yihiin Nabadoon Faarax Nuure Xuubeey,Nabadoon aadan Wali, Nabadoon Buubshax Maxamed Cade, iyo Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka G/gaduud Mudane C/qani Warsame Jaamac oo halkaasi ka sheegay sida ay u taageersan yihiin dawlada Shiiq Shariif iyo Ra’iisul wsaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Mas’uulkaasi ayaa ku tilmaamay madaxweynaha iyo ra`iisalwasaaraha da`da yar in ay yahay rag khibrad iyo dulqaadba u leh xilkaas loo dhiibay, islamarkaana ey ka miro dhalin karaan.

Halku dhigyadii ay boorarku ku wateen dadka mudaharaadayay ayaa waxaxa ka mid ahaa oraahdaan “Dadka reer Caabaudwaaq waa Dad xukun yaqaan in la xukumana diyaar u ah, in ay wax xukumaana diyaar u ah, xukunku waa Nolol iyo Hurumar, Xukun la’aantu waa Xabad iyo Baaba" IWM.

Daawo Sawirada



Zaynudiin
allgedo@live.com
Caabudwaaq Somalia

webmaster@ceegaag.com