shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad sanad guuradii 5aad ee Jaamacada Nugaal University iyo Shahaado bixin maanta la qabtay

(Laascaanood, October 04,  2008 Ceegaag Online)

 Waxaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Hotel xamdi xaflad si wayn lo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii shanaad ee Jaamacada Nugaal University iyo waliba shahaado bixin lasiinayay ardayd ka qalin jabisay Jaamacada iyo waliba shahaado sharaf lasiiyay dadkii doorka muhiimka kasoo qaatay jaamacada horumarinteeda.

 Ugu horayn waxaa goobta xaflada ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Nugaal University C/naasir (Abushaybe) wuxuuna halkaasi kasoo jeediyay marxaladihii ay soo martay Jaamacda Nugaal iyo sida ay ku bilaabmatay iyo halka ay maanta marayso iyo waliba kuliyadaha ay jaamacadu bixiso iyo kuwo cusub oo ay hadda bilaabayso isagoo sidoo kale dadka deegaanka ku canaantay inay waxbaarshada ku dadaalaan taas oo uu ku tilmaamay in waxbarashadu ay tahay   waxa kaliya ee wax lagu qabsan karo.

Sidoo kale waxaa microphone-kii loo dhiibay oo goobtaasi ka hadlay Aadam Cali Nuur oo u hadlay Ganacsatada isagoo ah Chairman ka shirkada Golis isagoo halkaasi bogaadin dheeri ah uga soo jeediyay Jaamacada balan qaadayna inuu shirkad ahaan wax ku darsanayo sida shirkadihii isaga ka horeeyay.

 

Jaamac Maxamed Mire (Amiirka) una hadlayay Bulshada ayaa waxa uu si wayn ugu dheeraaday qiimaha ay lee dahay waxbarashadu isagoo halkaasi kasoo jeediyay hadalo kaftan iyo dhiiri gelin isugu jira Sidoo kale Dr: Obsiiye Cilmi ayaa waxa uu si wayn u amaanay dadka bulshada mandaqadan halka ay joogi jireen bulshada Soomaaliyeed xagga aqoonta maantana xusay inay meel wacan marayaan.

 

Abwaan Jaamac Nuur Shal-qanle ayaa waxa isna halkaasi kasoo jeediyay gabay uu ku sharaxayo dhaqanka kaas oo si wayn loo la dhacay sidoo kale Samsam Ducaale oo ku hadlaysa afka Hay’adaha ahna madaxa WHO ee Gobolka ayaa waxa ay xustay in hay’ad ahaan ay wax ku biirinayaan Jaamacada gaar ahaana WHO ay ay wax ku darsanayaan.

 

C/kariim Olol ooo ku hadlaya af Local NGO’s ahna Ururka caruurta Gobolka Sool ee SCHDO (Sool Children Development Organization) ayaa sheegay qiimaha waxbarashada iyo in si wayn wax loogu qabto bahda waxbarashada sidoo kale Saleebaan Awad Baaruud oo kamid ah ardayda Jaamacada ayaa waxa uu kasoo jeediyay hadalo kooban oo dhiiri gelin ah.

 

Mid kamid ah qurba joogta Gobolka Faarax Ciise Cabdi ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay hadalo si wayn u guux gelyay madasha taas oo ku saabsanayd masiirka umada isagoo xusay in dhibta iyo waxa jira laga baadho magaalada gudaheeda iyadoon mee kale la aadin dadkana ka codsaday inay gacmaha isqabsadaan danta umadana laga shaqeeyo sidoo kale xagga bulshada iyo Jaamacada waxaa lagu soo gabo gabeeyay C/risaaq Lafoole oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University.

 

Hadaba waxaa lagu soo dhaweeyay dhanka masuuliyiinta maamulka Somaliland iyadoo halkaasi uu ka hadlay mid kamid ah Golaha Guurtida Caydiid Cabdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Degmada Laascaanood oo sheegay in uu maamulku xagga waxbarashada si wayn wax uga qabanayo dadkuna u diyaar garoobaan inay wax bartaan si noloshooda ugu faa’iideeyaan iyo tan bulshada.

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa hadalkii soo gabogabeeyay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed ( Cali Sandule) isagoo sheegay inay jaamacada la garabtaagan yihiin wixii ay jaamacadi lahayd xusayna inay hadda kamid tahay jaamacada ay Somaliland aqoonsan tahay sida Jaamacada Camuud,Jaamacada Hargeisa,Jaamacada Burco iyo Jaamacada Nugaal University ayna lee yihiin wax isku mid ah isagoo Gudoomiyihuu uu halkaasi ku qaybiyay shahaadooyin kala gedisan oo uu u kala qaybiyay ardaydii Jaamacada ka qalin jabisay iyo dadkii iyo shirkadihii wax siiyay Jaamacada.

 

Gudoomiyaha Jaamacada NU C/Risaaq Lafoole

 Amiir Digaale Sanqoole

Dr:Obsiiye

   

Hotel Xamid International Laascaanood

  SamSam Duaacle Aadan madaxa WHO ee Gobolka Sool

 Maamulaha shirkada Hantelcom saleebaan baaruud ahna arday dhigta Jaamacada

         Oday Faarax ciise cabdi  

Maamulaha shirkada TELESOM C/Risaaq Dhabayaco oo ashahaado gudoomanaya

     Wakiilka dahab shiil ee gobol Sool Nuur oo Shahaado gudoomaya.

Maxamed Jaamac Filibiin oo Ashahaado gudoomaya

Oday golaha Guurtida Somaliland Ka tirsan Caydiid Cabdi Maxamed

 

Gudoomiyaha Degmada laascaanood Axmed Aw daahir

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle)  

Xigasho: Afnugaal (Soonoqosho wanaagsan) 

webmaster@ceegaag.com