shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Munaasabadii caleemo saarka Boqorkii 33aad ee Beelaha Daarood oo ka dhacday magaalada Qardho ee Gobolka karkaar.

(Qardho, November 27,  2008 Ceegaag Online)

Munaasab si wayn loo soo qabanqaabiyay oo ku aadanayd caleemo saarka boqorka 33aad ee beelaha daarood Boqor C/laahi Boqor Muuse oo lagu caleemo saaray deegaanka ceel-mur oo 5km u jira magaalada qardho madasha caleemo saarka ayaa waxa ka soo qaybgalay marti sharaf aad aad u wayn oo ay ka mid ahaayeen madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliyed C/laahi Yuusuf Axmed, madaxwaynaha Puntland general Cadde Muuse iyo madaxwayne ku xigeenkiisa Xasan Daahir Afqurac, sido kale waxaa madasha caleemo saarka ka soo qaybgalay issimo aad ufara badan oo ay ka mid ahaayeen Garaadka guud ee dhulbahante Garaad  Jaamac Garaad Cali, Garaad Saleebaan Garaad Maxamad. Islaan Ciise Islaan maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayn waxa la guda galay khudbado ay halkaasi ka jeedinayen madaxda iyo wufuuda lagu casumo makroofanka waxaa halkaasi khudbad xaasaasi ah ka jeediyay madaxwaynaha dawlada federaalka kumeel gaarka ah C/laahi Yuusuf Axmed ugu horayn waxa uu madaxwanuhu u hambalyayeyay boqorka cusub ee la caleemo saarayo waxa kale oo madaxwaynuhu ku dheeraaday  arimaha doorashooyinka puntland waxana uu sheegayin Puntland ay soo martay marxalado kala duwan isla markaan aanu dhicin isqabqabsi sidii aniga iyo Jaamac Cali Jaamac ayuu yiri madaxwaynuhu waxan uu sheegay in qofkii ku guulaysta jagada madax-tinimada si hufan loola shaqeeyo si loo samata bixiyo umadda Soomaaliyed ee ay halaakeyen dagaaladu.

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku hadlayay magaca isimada waxa uu garaadku ka hadlay doorka ay haatan odayaal dhaqameedyadu ku leeyihin siyaasada waxana uu sheegayin issimadu ay kujiraan jeebka siyaasiyiinta lana guuriyay dhaqankii.

 

Waxa dhacay caleemo saarkii boqorka , BOQOR C/LAAHI BOQOR MUUSE  isla markaana waxaa soo gabagaboobay munaasabadii oo ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

 

Daawo Sawirada

Boqor 33aad ee beesha Daarood Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse

 

Garaadka Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali

 

Caaqil Maxamuud Siciid  Awmuuse

 

Fardihii galbinayay Boqorka Cusub ee Daarood

 

Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf

 

Qaarkamida isimadii madasha lagu soo casuumay

 

Dadwaynihii

 

Madaxwayne Yuusuh iyo Madaxwayne ku xigeenka Puntland Afqudhac.

 

C/rashiid maxamed daahir

Qardho, Somaliya


 

 

webmaster@ceegaag.com