shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal iyo duqeyn ayaa xalay ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo shalay ay gaareen ciidamo Ethiopian ah.

(Guri Ceel, June 29,  2008 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxaha ka horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Ethiopia ka sameysteen gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo uu ka qarxay iska horimaad u dhexeeya labada dhinac.

Ciidamada Ethiopia ayaa madaafiic tiro badan ku duqeeyey xaafadaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana duqeyntaas inta la ogyahay ku dhintay 4 qof oo seddax ay haween yihiin, iyadoo mid kamid ah haweenkaas la sheegay in ay uur laheyd.

Guud ahaan dadkii ku dhaqnaa degmada Guriceel ayaa xalay saqdii dhexe isaga cararay aqaladoodii, iyagoo ka cabsi qaba in duqeynta ciidamada Ethiopia ay waxyeelo u geysato.

Ganacsigii degmadaas ayaa ah mid guud ahaan xiran, mana jiro dhaqdhaqaaq ka socda degmada, waxaana inta badan dadkii ku dhaqnaa degmadaas ayaa u hayaameen deegaanada miyiga ah ee ku teetsan degmada Guriceel.

Ciidamada Ethiopian-ka ah ee duqeynta u geysta degmada Guriceel ayaa shalay halkaasi gaaray, iyagoo ka ruqaansaday dhinaca gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com