shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ardey Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacada Metro ee magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka.

 

(St. Paul, April 29, 2012 Ceegaag Online)

Munaasabad ballaadhan oo ay kasoo qayb-galeen madax, macalamiin, arday waaladiin iyo maamulka jaamacadda Metro State University looguna dabaal-dagayay qalin-jibinta arday badan oo wax ka baratay jamacadda ayaa xalay lagu qabtay magaalada St. Paul ee gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka.

Jaamacaddan oo ay dhigtaan arday badan ayaa horay waxaa uga qalin-jabiyay arday Soomaaliyeed, kuwaasoo wax ka bartay kulliyadaha kala duwan ee Jamacaddu ay ka kooban tahay, balse xalay ayay ardaydii ugu badnayd Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 30-arday ay ka qalin-jabiyeen Jaamacadda.

Xafladda qalinjabinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka jamacadda iyadoo ardayda qalin-jabinaysay ay ka baxeen kulliyadaha: Human Services, Public Management, Computer Technology, Computer Science, Human Resources, Health-care Management iyo kuwo kale ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin isugu jiray Bachelor Degree iyo Master Degree.

Gobolka Minnesota oo ah deegaanka Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ay daggan yihiin laguna qiyaaso tiradooda illaa 40,000 ayaa waxay wax ka bartaan jaamadaha gobolka Minnesota ku yaalla, iyadoo ardayda Soomaalida lagu tiyo ardayda ugu dadaalka badan ee gobolkaas wax ka barta, iyadoo 40 arday ay sannadkii hore ka qalinjabiyeen jaamacadaha gobolka.

Cabdi Max’uud wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka qalin-jibisay kuliyadda maareynta iskuulka wuxuuna yiri: “Waxaan ahay aabbe caruur leh muddo dheerna kusoo jiray waxbarashadan marnaba kamaanan niyad-jabin waxbarashada, iyadoo weliba biil la iga rabo; taasina waxay ku tuseysaa dadaalka dheer ee aan soo galay meesha ay caawa i keentay – sidaas si la mid ah ayaan ku boorrin lahaa abbayaasha Soomaaliyeed ee haysta fursadaha inay waxbartaan.”

Sidoo kale, Xamdi Warsame oo iyaduna ka mid ahayd ardaydii xalay qalinjabiyay ayaa waxay tiri: “Aad ayaan ugu faraxsan-sanahay mustaqbalkaygu; waxaan rajeynayaa inaaan wax ka-bedelo naftyda, qoyskeyga iyo dalkayga hooyo – waxbarashaduna waxay udub dhexaad u tahay is-fahanka iyo wadashaqeynta bulsho walba oo ku nool adduunka guudkiisa.”

Mar ay radiomuqdisho weydisay Xamdi su’aal ahayd sida uu dareenkeedu yahay caawa oo ay qalin-jabisay ayay ku jawaabtay: “Dareenkeygu aad ayuu u wanaagsan yahay – mid lasoo koobi karana ma ahan – waayo waxii aan muddo dheer kusoo haminayay ayaan caawa ku guul-gaaray; taasina farxad iiga weyn ma jirto.” Iyadoo intaas ku dartay inay u mahadcelinayso dhammaan macallimiintii wax-soo-bartay iyo intii qaybta ku lahayd waxbarashadeydeeda.

Gabagabadii munaasbadda waxaa hambalyo iyo bogaadin loo jeediyaay ardaydii ka qalin-jibisay jaamacadda isla markana waxaa la guddoonsiiyaye hadiyado isugu jiray ubaxyo iyo qalab kale.

Daawo Sawiradda

Cabdiraxmaan D Nuur

Nuure1000@hotmail.com

USA Minnesoto

 

 

webmaster@ceegaag.com