shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iskhilaafka Dhulbahante yaa loo Aanaynayaa, ma Isimada Mise waa Dhulbahante?

(SSC ,  October 28,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa ila hagaagsan in aan marka hore ka soo bilowno asaaska hoose. Si xal loo helo oo aan u raadino cudurka Jira. Kaas oo ah meesha saantu ka quruntay. Ka bacdina raadino daawada cudurka. Anigoo raadgoobaya, Kuna daba jira sheydaankii dhex-lugeeyay qalbiyada Dhulbahante ayaa waxa igu soo hoobtay su'aalo aad u fara badan. Aniga oo dhex-miranaya su’aalihii, oo irbad iyo miiq isla doondoonaya ayaa waxaa igu soo Baxay shaydaan la yiraahdo “Shaati-Guduud.” Shaati-guduud waxaa dhabarka kaga qoran Hunguridoon iyo Darajadoon. Hadaba Shaati-Guduudow maxaad ahayd? Shaati-Guud = hunguri-doon+darajadoon.  Waxaa ka loo lagama maarmaan noqotay In aan iswaydiino masaladan kale ama su’aashan! Maxay isimada dhulbahante maanta ugu jecelyihiin? Waxay isimada dhulbahante maanta ugu jecel yihiin.

  • Inay madaxweynaha maraykanka la shiraan

  • In ra’iisal wasaaraha ingiriisku casuumo

  • In Ethiopia looga yeedho

  • In BBC &VOA laga waraysto

  • In AL-JAZEERA laga soo daayo iyo

  • Inay Dubai booqasho ku soo maraan iwm,

          Hadaba dhulbahantow hawl badan baa kuu taale. Adaa yaqaan meeshaad ka bilaabi lahayd. Su’aalihii badnaa aan dib u jalleecno. Waxaan ka dardarmayaa in su’aalaha jawaabtoodu marnaba noqon doonin. Ama ahayn puntland iyo soomalilandna waayo kuwa puntland jooga waxay eedda saarayaa kuwa Soomaliland u daaq tegey.  Kuwa soomaliland kuwa puntland joog. Marka ma rabo in aan ka dhex baxno, Dhibaatada jirta dhulbahante gudihiisa nin kastoo dhulbahante ah way u furantahay in uu su’aalahan Isku dayo, oo inuu uga jawaabo sida ugu macquulsan. Waxaan si gaara ula hadlayaa ururka. NSUM, oo ah Ururka ugu mutacalimiinta iyo aqoonyahanada badan dhulbahante,ahna dhex-dhexaad aan cidna mushahar ka qaadan inay su’aalahan si cad oo qeexan uga soo jawaabaan kana bixiyaan talo iyo tusaale.

  1. Waa maxay isim ama isimadu?

  2. Waa maxay shaqada isimadu?

  3. Ma jiri karnaa la’aantood?

  4. Maka adkaan karnaa?

  5. Sidee looga adakaan karaa?

  6. Talada dhulbahante yay ka go’daa ma isimada mise dhulbahante?

  7. Go’aanka kama damaysta ah yaa gaari kara ma isimada mise dhulbahante?

  8. Ugu horayn in la qadariyo yaa mudan ma isimaa mise dhulbahante?

  9. Ma isimadaa hulbahante u baahan mise dhulbahantaa isimada u baahan?

  10. Isimadu siyaasadda ma u xalaalbaa mise ma aha?

  11. Isimada dhulbah;ante miyey badanyihiin?

  12. Haday tahay haa side loo yarayn karaa?

  13. Haday tahay maya, maxaa dhexyaal oo ay isu ogolaan waayeen?

  14. Hadii dagaal yimaado ma dhulbahantaa qaybsada mise isimadaa qaybiya?

  15. Isimku ma isagaa yiraahda I doorta mise  dadkaa doorta?

  16. Isimadu ma inala midbaa mise way inaga duwanyihiin?

  17. Isimada xagee laga xukumaa qudhooda?

  18. Isimada cid kale maka saraysaa?

  19. Isimada waqti walba miyaa loo baahanyahay?

  20. Shaqada isimada iyo waqtigan casriga ahi ma iswaafiqi karaan?

  21. Isimku ma dhalashaa mise waa caqliga iyo maskaxda uu leeyahay?

  22. Hadday tahay dhalasho  waayo loogu baahanyahay in uu noqdo nin raga?

  23. Isimadu haday khalad galaan ma loo sheegi karaa mise waa in loo qariyo?

  24. Isimku xaq ma u leeyahay  mushahar? Hadaay tahay haa, yuu ku leeyahay ma raaskiisa, mase dhulbahante,mise dawladda,maxaase loo siinwaayaa?

  25. Isimku nin uu isim u yahay ma qaban karaa?

  26. Hadduu diido muxuu ku samayn karaa?

  27. Yaa wax maqliwaayey ma isimada mise dhulbahante?

  28. Dhulbahante ma qabiilka ugu isimada badan miyaa soomali?(a) Haday tahay haa; haa maxaa sababay?(b) haday Tahay maya; qabiilkee inaka isima badan?

  29. Dhulbahante ninkiisa khaldan farta maku fiiqi karaa?(a) Haday tahay haa; maxay u dhici waday?(b) Haday Tahay maya; sababtu maxay tahay?

  30. Dhulbahante walaalo la dhashay ma leeyahay?(a) Haday tahay haa; waa kuwee sheeg?(b) Haday tahay Maya; maxaa dhacay?

  31. Dhulbahante deked miyuu u baahanyahay?(a) Haday tahay haa; halkee noqon karta, maxayse soo  Kordhin doontaa,

  32. Dhulbahante ma dhaqaale xumo ayaa haysa?

  33. (a) Haday tahay haa; maxaa ugu wacan?(b) Haday tahay maya; maxaa jira oo  kala kexeeyey?

  34. Dhulbahnte ma talo xumo ayaa haysa? oo aan qabiilada kale la qabin?

  35. Dhulbahante madax ma leeyahay maanta?(a) Haday tahay haa; waa kuweexagayna joogaan?(b) Haday Tahay maya waayo,

  36. Dhulbahnte dhulkiisii ma  wada joogaa ama ma wada haystaa?(a) Haday tahay maya; maxay dib ugu qabsan waayeen?

  37. Dhulbahante yaa u maqan oo uu sugayaa?

  38. Las-anod miyey joogtaa mise waa maqantahay?(a) Haday joogto waayo Isaaqu uga taliyaa?(b) Haday Maqantahay waayo loo soo celinwaayey?

  39. Dhulbahnte waxgaradkiisii iyo aqoonyahankiisii maxay isaga fadhiyaan ma in la dilo ayay ka baqayaan?

  40. Haday tahay way baqayaan, yaa dilaya?(a) Haday tahay ma baqayaan maxay la iljabsanyihiin?

  41. Dhulbahante sidii laysugu toli lahaa ma dhenged buu u baahanyahay mise xabad?

  42. Dhulbahante yaa isku toli kara ma askari mise nimaan askari ahayn?

  43. Dhulbahante ninkaas mayska dhex heli karaa?haday tahay haa goormuu imanayaa?haday tahay  Maya goormuu dhalanayaa?

  44. Dhulbahnte ma sidaa buu weligii ahaa mise burburka iyo dawlad la’aanta ayaa keentay?

  45. Dhulbahante dantiisa mala  heli karaa? Haday tahay haa xagay taala? Haday tahay maya, yaa haysta oo ku dhegan?

  46. Dhulbahnte miyuu dhaafay waqtigii uu isku tiirsanaan lahaa?

  47. Dhulbahnte ma isku danbaa mise waa kala dan?

  48. Dhulbahnte ma  inuusan heshiin buu ku heshiiyey?(a) Haday tahay haa; halkee shirkaasi ka dhacay?(b) Haday tahay maya; muxuu u heshiin waayey?

  49. Dhulbahante ma is indha buuxin karaa?

  50. Dhulbahnte caano maka dhergi karaa?

 

Wada tashi wanaagsan,

 

Maqaal qore Abwaan:  Abdirizak Dalmar,

 

 


 

webmaster@ceegaag.com