shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmada Ceegaag oo laga Hirgaliyey Maktabad lagu Baranayo Xifdinta Quraanka Kariimka ah iyo Xifdinta Tafsiirka

(Ceegaag,  October 27,  2009 Ceegaag Online)

Degmada Ceegaag ayaa Waxaa Markii ugu Horaysay Laga Hirgaliyey Maktabad Wayn oo ay ku dhan yihiin dhamaan  l Noocyada Kibaabada Quraanka Kariimka ah iyo Waliba Kuwa laga Barto Tasfiirka Quraanka Kariimka ah Waxana Magtabadaasi oo ah Mid balaadhan Degmada Ceegaag ka Hirgaliyey Dhaliyo Culumo ah oo ka soo Jeeda Degmada Ceegaag oo iyagu ka kala yimid gobolada Dalka somalia Gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo Dhalinyaradaasi Culumada ahi ku han jireen Macayo kala Barto Barashada Diinta Islaamka  iyo Xifdinta Quraanka Kariimka ah oo haatan loo soo Wareejiyey Magaalada Ceegaag iyo Waliba Magtabadaasi oo haatan si Rasmi ah Deegaanka Ceegaag looga Furay.

Shabakada Wararka Ceegaag.com  ayaana Booqatay Magtabadaasi laga Hirgaliyey Degmada Ceegaag oo siwayn looga soo Dhaweeyey Gabi ahaanba Deegaanka Ceegaag Waxana Shabakada Wararka Ceegaag.com Furitaanka Magtabadani iyo Faaiidooyinka Deegaanka ku soo Kordhisay Waxyaabaha laga Barto Waraysi Dheerv kala yeelatay Sh Cabdi Qani Macali Faarax oo isagu Culumadaasi Hormuud u ah, Sh ayaana Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Magtabadani Waxyaabo badan ku soo Kordhisay Horumarinta iyo Baraarujinta Diinta Islaamka iyo Kor u Qaadista Shareecada Islaamka.

Culumadaasi ayaana Sidoo kale Degmada Ceegaag ka Bilaabay Waxbarasho Bilaash ah oo Dadka Waa Wayn iyo kuwa Yar Yarba Wax loogu dhigayo gaar ahaan Barashada Diinta Islaamka iyo Xifdinta Quraanka Kariimka ah Waxayna Culumadaasi safar ugu baxaan Magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Degmada Ceegaag oo ay ka bilaabeen Baraaru jinta Diinta Islaamka iyo in ilaahay laga Cabsado iyagoona Dadwaynaha Deegaanadaasi u soo jeediyey Wacdi farabadan iyo Tafsiir ku saabsan Waxyaabaha looga baahan yahay Qofka Islaamka ah inuu ku dhaqmo isla ilaaliyo Waxii ilaahay ka Reebay(Waraysigaasi Shiikha oo dhamaystiran WWW.Ceegaag.com ka dhagayso)

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag
 


 

webmaster@ceegaag.com