shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

Kooxda Real Madrid oo xalay kaga badisay kooxda Real Betis Ground keeda Estadio Manual Ruiz De Lapora.

 

Kooxda Real Madrid ayaa Xalay kaga adkaatay Kooxda Real Betis 1:0  waxaana Goalka u saxeesay Kooxda Real Madrid ciyaartoyga Mahamadou Diarra (ee u dhashay wadanka Mali ) daqiiqadii 6 ee galinkii hore ee ciyaarta.

waxaa sidoo kale Kooxda Real Madrid kaga dhaawacmay Ciyaartoy reer Brazil ee difaaca uga ciyaara ee Cicinho

Horyaalka Kooxaha England (  Premier League) ayaa ciyaaro xiiso leh dhaceen xalay waxayna Kooxuhu isku haleeneen sidan soo socota.

 

Liverpool ayaa kooxda Tottenham H. kaga adkaatay 3:0 waxaana Goalasha u saxeexay Kooxda Liverpool Ciyaartoda kala ah, M.D. González, D. Kuijt & D. Kuijt.

Kooxda Arsenal ayaa ugu awood sheegatay Kooxda Sheffield U. 3:0 goalasha waxaa u kala saxeexay Kooxda Arsenal  goalasha W. Gallas, P. Jagielka (O.G) & T. Henry.

Kooxda Caanka ah ee Manchester United ayaa barbar dhac la gashay Kooxda Reading 1:1 waxaa Kooxda Mancherter Goal ka u dhaliyay Ciyaaryahanka Caanka ah ee C. Ronaldo halka Reading uu u saxeexay Goal ka ciyaaryahanka K. Doyle (pen).

Chelsea ayaa ugu awood sheegatay Fulham 2:0 waxaana u dhaliyay laba Goal Kooxda Chelsea ciyaaryahanka F. Lampard .

Aston Villa 2  Charlton Athletic 1

Mancherter City 2 West Ham U. 0

Middlesbrough 0 Blackburn R.1

Wigan Athletic 1 watford 1

Chelsea ayaa ku hogaaminasa Holyaalka Premier League 15 dhibcood waxaana ku xiga Manchester United & Portsmouth oo leh min 13 dhibcood halka Kooxda Aston Villa ay ku jirto kaalinta afraad oo ay 12 dhibcoodna leedahay.

Liibaan Maxamed X/Cali    Hyderabad lndia

 

webmaster@ceegaag.com