shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

Kooxaha Horyaalada Europe ee ku tartamaya UEFA Champions League ayaa qaarkooda caawa Fooda is daray waxayna isku haleeleen sidan:

 
Group E
 
Kooxda Caanka ah ee Real Madrid ee Dalka Spain  ayaa kaga adkaatay  Kooxda Dynamo Kiev ee Dalka Ukraine  5:1 waxaana Golasha ukala saxeexay Kooxda Real Madrid  R. V. Nistelrooy (2) Raul (2) & J.A.Reyes oo goal kii shanaad u saxeexay Kooxka Real Madrid halka Dynamo Kiev uu Goal kaliya u saxeexay Ciyaaryahanka A.Milevsky.
 
Kooxda Lyon ee Dalka france ayaa 3:0 kaga adkaatay Kooxda Steaua Bucuresti ee Dalka Romania waxaana Goalasha ukala saxeexay Kooxda Lyon G.Fred, Tiago & F. Malouda .
 
Group F
 
Kooxda Mancherter United ee Dalka England ayaa Gurigeeda ugu awood sgeegatay Kooxda Benefica ee Dalka Portugal 1:0 waxaana Gola u saxeexay Kooxda Man Utd Ciyaaryahanka reer France ee L. Saha.
 
Kooxda Celtic ee Dalka Scotland ayaa 1:0 kaga adkaatay Kooxda FC Copenhagen  waxaana Goal ka oo Rigoore ahaa u dhaliyay Kooxda Celtic Ciyaaryahanka K. Miller .
 
 
Group G
 
Kooxda CSKA Moscow ee Dalka Russia ayaa 1:0 kaga adkaatay Kooxda Hamburger SV ee Dalka germany waxaana Goalka u dhaliyay Kooxda CSKA Moscow D. Cearense .
 
Kooxda Arsenal ee Dalka England ayaa ugu awood sheegatay Kooxda FC Porto ee Dalka Portugal 2:0 waxaana Goalasha ukala saxeexay Kooxda Arsenal labada Ciyaaryahan ee Kala ah T. Henry & A. Hleb.
 
Group H
 
Kooxda AEK Athens ee Dalka Greece & Kooxda Anderlecht ee Dalka Belgium ayaa isku mari wayaay barbardhac 1:1 waxaana goalasha ukala saxeexay J. César oo u dhaliyay Kooxda AEK Athens Halka N. Frutos  uu u dhaliyay kooxda Anderlecht ee Dalka Belgium.
 
Kooxda AC Milan ee Dalka Italy ayaa 0:0 isku mari waayeen Kooxda Lille ee Dalka France.
 
Liibaan Maxamed X/Cali

Hyderabad     

India

 

webmaster@ceegaag.com