Warar maqal ah

Radio Ceegaag

IQK NEWS

Subixii
Galabtii
Habeenkii

BBC Somali 04:00

BBC Somali 14:00

BBC Somali 16:00

BBC Somali 18:00

Radio Jigjiga

Somali Radio (Sweden)

Radio Xorriyo (Ogaden)

Somali Radio (USA)

Radio Somaliweyn

Radio Benadir

Radio Djabuti

Radio Sagal

VOICE OF AMERICA Radio Hiiraan

          
Ceegaag Online              Supports:
Free Speech ..
Full Shuura
Equal Justice
Peace/Prosperity

Websiteyada Soomaalida

R. Buuhoodle
Aflax.net 
Addacwah
4somaliwomen
Afnugaal
Allcayn
Allwadani
Allwariye
Afgoi Online
Africa newspaper
Aljazeera
Allsanaag
Aminarts
Altaqwaa.com
Awdel News
Banadir City
Balcad
Bartamaha
Baraawepost.com
Bashaal.com
Baidoa
BiyokululeOnline
Boocame
BuuhoodleNL 
Buuloburde
Buurhakaba
Cakaarra
Casuura
Ceegaag Online
Ceelbuur
Calayaale
CBC news
CBS news
CNN news
Carmooyin
Deegaan News
Dhahar
DFKS.g.com
Dhagaxtuur
DjiboutNet
Doorasho
Golkhatumo
Gedonet
Hawdiyonugal.com
Hilinka Toosan
Hadhwanaag News
Horseednet
Holhol
Hornafrik
Horseeddnet
Horufadhi.com
idaacada SBC
Jamhuuriya
Jijigawe
Kalabaydh.com
Kilili 5aad
Kismaayo News
Laascaanod.com
Laasqoray
Marka Caddey
Maktabada
Markacadeey.net
Mashallah
Midnimo
Midgaan
Mogadishu University
Mudulood
Nugaal University 
Puntlandgov New
Qaadisiya
Radio-freesomalia 
Radio shabelle
RadioLaascaanood1
RadioWarsan
Riinji.com
Somali refugees in Yemen
somaliland.net
Somalilandfuture.com
Somalitalk
Somali Weyn
Somanation
SVOSSRS
TANADLAND
Togdheernews.com
Tawkal Blanket(Dukaan)
WardheerNew
Widhwidh

Xamar Shop

Xaadhadhan 
Xargaga.com
Xuddun news
 
 

Sawiiradii Soo dhaweeyenta Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Reer Minnesota magalada minniapolis

Warkii 18-Dec-2006 iyo Qormadii: Abdimalik Askar  Ceegaag Online
 Xaflad si aad ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey Sheriton Hotel ee ku yaala magaalada Minnesota miniapolis

Kulankii Garaad Jaamac iyo Soomaaalida Minnesota


Dad aad u badan  oo  laguna qiyasay ilaa 1.000 oo isugjiray  Isimo, Garaado, Ugaasyo, Suldaamo, Cuqaal, Culumo, Ardey,  Hobalo, Aqoonyahano, Odayaal, Hooyoyin, Suuganyahano, Badhasab,.Mayar, Guurdi,oo maraykan iyo Soomali  ah.
.

Hordhac

isugu jirey Soomaali iyo ajaanib. Xafladaas oo bilaabmatey 2:00PM duhurnimo dhamaateyna 7:00PM maqribnimo. Xafladas oo ka koobneyd shan qaybood: qaybta koowaad oo aheyd, Saxiixa isku xidhka Jaamacada Nugaal iyo Inver Hills Community College.


qaybta labaad oo aheyd, qaybta soo dhaweynta Garaadka oo ay ku soo dhaweynayeen Isimada, qaybta sedexaad oo aheyd soo dhaweynta garaadka oo lagu soo dhaweynayey gabayo, buraanbur, qaybta afraad oo ahyed soo dhaweynta dumarka iyo ugu dambeyntii oo aheyd gunaanadka hadlakii Garaadka.
 

Qaybta Koowaad

Markii xaflada la furayey ayaa waxa lagu furey aayadha quraanka kariimka ah oo ay ku luuqeynayeen labo wiil oo dhalinyaro ah da’dooduna ahyed 10 jiro. Ka dib markii ay quraanka dhameeyeen ayaa waxa lagu soo dhaweeyey waftigii ka socdey Jaamacada Nugaal iyo Inver Hills Community College.

Jaamcada Nugaal ayaa waxa la hindisey sanadkii 1999, waxana albaabada loo furey sandkii 2004. Xarunta Jaamacada Nugaal waa Laascaanood, gobolka Sool Puntland, Somalia. Inver Hills Commmnuty College waa college ku yaalaa Minnesota oo ay dhigtaan ardey ka badan 4000 oo ardey.

 Labadan Jaamacadood ayaa waxa ay kala saxiixanyeen xiriir walaaltimo(sister) sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyo badan oo ku saabsan waxbarashada. Garaad Jaamac Garaad Ali ayaa waxa uu u saxiixey Jaamcada Nugaal dhinaca Inver Hillsna waxa u saxiixey madaxweynaha Collegeka Cheryl Frank. Saxiixaas oo ay Soomaalida halkaas timid si weyn u soo dhaweeyeen.

Qaybta Labaad

Ka dib markii qaybtii koowaad dhamaatey ayaa waxa loo gudbey qabtii labaad oo ku saabsaneyd soo dhaweynta Garaadka dhinaca Isimada. Waxana isimada hadalaka u furey Siciid Yusuf Garaad Maxamuud oo isagu ku soo dhaweeyey makarfoonka. Halkaas oo ay ka hadleen Isimadu iyago oo isugu jirey Boqoro, Isimo, Ugaasyo, Garaadyo,  Suldaano iyo madax dhaqameedyo. Soo dhaweynta Isimada ayaa waxa u badnaa hadlakooda Guubaabo, waano, taariikh, dardaaran, kaftan  iyo duco.  


 

Qaybat Sedexaad

 Qaybat sedexaad oo aheyd qaybta ay dadbadani wada sugayeen ayaa waxa lagu soo dhaweeyey makarafoonka Gabyaaga reer Minnesota ee Cusmaan halkaas oo uu gabayo ka tiriyey isugu jirey dardaaran, waano, iyo duco.

 Waxa cusmaan ku xigey oo xafladaas Ohio State uga yimid gabyaaga baryahayn dambe soo baxay ee Abdisamiix oo ka tiriyey gabayo dadbadan ku dhaliyey qiiro, qushuuc, kuna beerey xusuus aysan mar dambe ilaawin. Isagoo ku luuqynayey gabayada qaarkood cod macaan. K adib markii uu dhameeyey ayaa makarafoonka waxala wareegey Xaawo Ayeeyo oo ku caan baxdey dhinaca Buraanburka sanadahan dambe. Xaawo Ayeeyo waxa ay halkaas ka jeedisey buraanbur ay ugu tala gashey Garaad Jaamac Garaad Ali oo ku saabsanaa dardaaran, iyo duco.

 

 Qaybta Afraad

Qaybatan waxa aheyd qayb aad u culus ka dib markii ay gabdhaha Minnesota soo doorteen hal gabadh oo uga hadasha codkooda xaflada. Gabadhaas oo runtii aad ula kaftantey ragii halkaas isugu yimid una soo jeedisey badhaadhe iyo talooyin wax ku oola. Waxa ay marka hore soo dhaweysey Garaad Jaamac ka bacdina waxa ay salaantey dhamaan ismadii halkaas joogey. Gabdhaas ayaa waxa ay sheegtey in mararka qaarkood rago isimada loo abtiriyo ilaa dhowr awoow balse ayey tiri aniga ayeydey waxa ay ii abtirisey ilaa todobo ayeeyo.

 Markaas ayey kula dardaarantey ragu in ay tiryaan dhinaca dumarka oo aysan isku koobin keligood. Waxa ay la kaftantey Garaadka oo ku tir “Waxa aad nasiiib u yeelatey in aad noo timid anaga oo ku hadleena Soomaali ee hadii aad soo daahi laheyd waxa aad noo iman laheyd anaga oo ku hadleena afka Ingriiska, waayo caruuro badan ayaa ilaawey afka Soomaaliga”. Gabagabadii waxa ay ku soo gunaanadey soo dhawoow Garaad.

 


 

Somali Media, Abdimalik Askar (aabdimalik@hotmail.com)

Copyright 2006 Ceegaag Online