shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Maamulka Somaliland oo saaka la soo dhoobay Wadooyinka laascaanood si ay uga hortagaan mudaharaad magaalaasi lagu waday inuu ka dhaco.

(Laascaanod,  March 21,  2009 Ceegaag Online)

Kadib markii maalinimadii shalayto magaalada Laascaanood Ciimada milatariga ee maamulka Somaliland Xabsiga Magaalada Laascaanood kala baxeen Qaarkamid ah maxaabiistii xabsigaasi ku jirtay oo loo Qaaday dhinaca magaalada barbara ayaa dhinaca kale waxaa maanta la Xidhay Qaarkamid ah Wadooyinka magaalada laascaanood oo shacab ka soo horjeeda Qaadista Maxaabiistaasi wadooyinka isugu soo baxeen iyago donayey inay mudaharaad ka dhigaan magaalada gudaheeda.

Muharaadkaasi ayaa maanta suurta galin sida uu Ceegaag online u sheegay mid kamid ah shacabka magaalaada laascaanood oo Diiday in aan magaciisa saxaafada laga shaacin kadib markii ciidamo farabadan oo katirsan maamulka somaliland Wadooyinka magaalada laascaanood saaka la soo dhoobay,iyagoo ciidamaasi lagu amray inay ka hortagaan muharaadkasta oo magalaada ka dhaca.

Guud ahaanba talaabada uu maamulka somaliland ka Qaaday maxaabiistaasi ayaa siwayn uga Cadhaysiisay shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanod iyagoo iswaydiinaya sabaha keenay in maxbuus aan maxkamad la marin xabsi kale loo Qaado sida kooxaha burcad badeedka somalia.

Dhinaca kale ehelada iyo Qaraabada maxaabiista loo dhaadhiciyay Xabsiga Mandeera  ayaa siwayn falkaasi ugu cadhooday kuna tilaamay talaabo sharciga baalmarsan.

Ali dhagjar

Buuhoodle

calidhagjar@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com