shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulaha Isbitaalka Ceegaag iyo madaxa qaybta MCH-ka oo nooga waramay xaalada Isbitaalka Cusub ee Degmada Ceegaag

(Ceegaag,  March 22,  2009 Ceegaag Online)

Maamulaha Guud ee Isbitaalka Ceegaag Axmed Iidle Nuur Dhageyso Dhagayso

 Madaxa Qaybta MCH-ka Isbitaalka Ceegaag Waris Ibraahin Raygal Dhageyso Dhagayso

Iyadoo dhawaan Magaalada Ceegaag laga furay Isbitaal aad u balaadhan oo ay maalgaliyeen Qurba jooga degmada Ceegaag oo isbitaalkaasi iridaha loo furay ayaa shabakada Wararka Ceegagaag online Xidhiidh la samaysay maamulaha Isbitaalka Guud ee Ceegaag si aanu xog waraysi kala yeelano halka uu marayo Shaqada Isbitaalka Ceegaag iyo Cudurada ugu badan ee intii isbitaalkaasi ay fureen soo maray.

Maamulaha Guud ee Isbitaalka Ceegaag Axmed Iidle Nuur ayaa Ceegaag online uga waramay Xaalada Isbitaalka Ceegaag haatan marayo wax uuna sheegay axmed iile nuur in Isbitaalku yahay bilaa daawo dhamaana ay u baahan yihiin Qalabka Isbitaalka sida Shaybaarka lagu baadho Noocyada xanuunada sariiraha Daawooyinka noocyahood kala duwan iyo Guud ahaaba Agabkii Isbitaal lahaan jiray.

Axmed Iidle Nuur Waxaa ugu baaqay dhamaan Ha,yada samafalka ah ee daneeya arimaha caafimaadka inay kaalo deg deg ah la soo gaadhaan Isbitaalka Ceegaag oo haatan daawadii ka go,aytahay una baahan dhamaan agabkii isbitaal lahaan jiray, waxna uuna axme iidle ceegaag online kaloo u sheegay in xanuunka malariya iyo hargabku faro badan kuhayo Guud ahaaba deegaanka.

Dhinaca kale Waris Ibraahin Raygal oo ah Madax Qaybta MCH-ka Isbitaalka Ceegaag waxay Sheegtay inaanay jirin wax Qalab ah oo haweenka ay kaga umuliso iyo daawooyinkii loogu tala galay MCH-ka iyadoo ugu baaqday Hay’daha Caalamiga ah inay Daawo deg deg ah la soo gaadho Isbitaalka Degmada Ceegaag oo dhamaantii aanay jirin wax daawo iyo Qalab ah oo hoos yaala.

Ali dhagjar

Buuhoodle

calidhagjar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com