shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Somaliland oo Xabsiga Laascaanood kala baxay maxaabiistii ku xidhnayd(Wariyey Axmed Cali Faarax oo Ceegaag Online u sharaxay sida wax xabsiga uga dhaceen

(Laascaanood,  March 20,  2009 Ceegaag Online)

Waraysiga Wariyey Axmed Cali Faarax   Dhagayso

Ciidamada maamulka Somaliland gaar ahaan ciidamada milatariga ayaa maanta duhurnimadii gudaha xabsiga magaalada Laascaanood gudaha u galay, waxna ciidamadu xabsiga magaalada Laascaanoo kala baxeen qaarkamid ah maxaabiistii xabsigaasi ku Xidhnayd oo tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 9 maxbuus. Maxaabiistan oo xabsiga magaalada Laascaanood ku xidhnaa mudo wax maxkamad ah aan lasoo taagin.
 
Ceegaag Online ayaa maanta duhurnimadii ka waraystay sida xabsiga loogala baxay maxaabiixta wariyey Axmed Cali Faarax oo kamid ah saxafiyiinta magaalada Laascaancood oo sheegay in maxaabiistaasi maanta xabsiga laga saaray loona qaaday dhinaca magaalada Barbara oo wariyaha ayaana Ceegaag Online u sheegay inay maxaabiixta sii galbiyeen ciidamada maamulka Somaliland oo gadhaawida dagaalka ku hubaysan kana saareen magaalada Laascaanood xabsigeeda xili duhurnimadii ah.
 
 
Calidhagjar
Ceegaag online

 

webmaster@ceegaag.com