shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha G/Cayn iyo Duqa Degmada Buuhoodle oo ka qeybgalay Kulan Balaadhan oo ay soo Qaban Qaabiyeen Naafada iyo Curyaamiinta buuhoodle.

(Buuhoodle  March 04,  2009 Ceegaag Online)

 Xariir Maxamuud Axmed Gudoomiyaha G/Cayn Dhageyso

Deqa Degmada Buuhoodle Xuseen Dacwi Ducaale Dhageyso

Gudoomiyaha Naafada Buuhoodle C/laahi Yuusuf Cabdi Dhageyso

Magaalada Buuhoodle Waxaana maanta ka dhacay kulan balaadhan oo ay soo Qaban Qaabiyeen Ururka Naafada ee gobolka cayn waxna maanta kulan kaasi goob joog ahaa dhamaan dadka naafada ee kunool magaalada buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada oo dhibaato xoogani dadkaasi Naafada kuhaysato.

Ujeedada kulankan ayaa maanta ahaa in Ururka Naafada gobolka cayn uu markii ugu horaysay magaalada buuhoodle ka furto xafiis Ururkaasi leeyahay oo lagu Diiwaan galinyo dhamaan naafada kunool degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada buuhoodle.

Sidoo kale kulankan maanta ayaa Ururka Naafada buuhoodle Waxaa kala soo qayb galay dhamaan Masuuliyiinta gobolka cayn ka degmada waxna hadaladii halkaasi ka soo jeediyeen ku sheegeen masuuliyiinta gobolka iyo degmaduba inay taageersan yihiin Ururka naafada gobolka cayn Xaquuqda ka maqanka u Raadinayaa iyo waliba Qalabka naafada iyo curyaamiinta.

Waxaana halkaasi maanta hadalo ka soo Jeediyey Gudoomiyaha Naafada gobolka cayn C/laahi Yuusuf Cabdi oo sheegay inay ku dulman yihiin gobolka cayn waxna ugu baaqay dhamaan jaaliyadaha u dhashay buuhoodle inay taageeraan Ururka naafada dhaqaalaha ka caawiyaan maadaama aanay jiri meel ay maanta u dhaqaaqaan Ururka naafada buuhoodle oo isugu jira Rag dumar,caruur yar yar oo maanta halkaasi goob joog ahaa.

Waa Markii ugu horaysay ee magaalada buuhoodle laga furo Xafiis ay ku midaysan yihiin Naafada iyo Curyaaminta buuhoodle oo Maanta u baahan in gargaar deg deg ah la soo gaadhsiiyo kuna talaalaysan bulshada dhexdeeda oo ay kala Kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Cali dhagjar

Buuhoodle

calidhagjar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com