shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ha’yada Care International oo kulan ku Qabatay Ceelka Riiga buuhoodle kuna wareejisay Qalabka matoorada biyaha soo saara.

(Buuhoodle,  March 21,  2009 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha G/Cayn Xariir Maxamud Axmed Dhageyso

Axmed Siciid Sarkaal ka tirsan Care International Dhageyso

Maamulaha Ceelka Riiga Buuhoodle Xanaan Ciise Dhageyso

Ha’yada Care International oo kamid ah ha,yadaha samafla ah ee ka howl gala gudaha somalia gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa maanta si rasmi ah maamulka Ceelka Riiga buuhoodle gudoomiyaha gobolka cayn, kan degmada iyo waxgaradka degmada buuhoodle ugu wareejisay labo matoor iyo dhisme ha,yada Care ka hirgalisay Ceelka Riiga buuhoodle oo looga tala galay in la dhigo matoorada oo loogu tala galay inay biyaha Ceelka oo dhere ahaan hoos jira 400 Mitir ka soo tuuraan.

Waxana yimid buuhoodle saraakiil ka socda ha,yada care international oo iyagu rakibay Qalabkaasi matoorada biyaha soo tuuraya waxna maanta Ceelka biyaha buuhoodle lagu Qabtay xaflada balaadhan oo Care Qalabkaasi ku Wareejinayso maamulka Ceelka buuhoodle iyo maamulka gobolka kan degmadaba.

Waxaana Goobtaasi Deeqdaasi lagu kala wareejinayey hadal ka soo Jeediyey masuuliyiinta maamulka buuhoodle oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Qalabka loogu tala galay Ceelka buuhoodle sida uu halkaasi ka sheegay Gudoomiyaha gobolka cayn Xariir Maxamud Axmed iyo Xanaan Ciise oo ah maamulka Ceelka Riiga buuhoodle oo sheegay inay matooradani baahi wayn u Qabeen dhinaca soo saarka biyaha xiliga jiilaalka oo xoolo badanu Ceelka yimaadaan iyo dadka magaaladuba.

Daawo Sawiradda

Ali dhagjar

Buuhoodle

calidhagjar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com