shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SULDAAN YARE BOODEY BAAN BEYT YAR ORANAYAA!

(Soomaaliya,  January  11,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa mahad iska leh Allaha maamulka Koonkani gacantiisu ku jirto, sidaan la wada socono waxaa beryahan ku dhex faaftay webabka afsoomaaliga ku soo baxa iyo dhamaan degaamada Soomaalidu degto sheekada ama qadiyada kuul carre oo ah  sheeko ku saabsan qoys habaryoonis ka lumay waqti hore, qoyskan sheekadiisu waxay soo Shaac baxday ilaa tobankii sano ee ina dhaafay sidaan wada ognahay  waxaa la sameeyey baaris taariikheed oo ay wadeen reerka ama beesha qoysku ka lumay oo ah beesha H/yoonis oo ay waajib tahay  inay raadiyaan reerka ka maqan,

Labadii sano oo ina dhaafay ayey arintani si xawli ah u soo banbaxday ka dib markii ay hawsha soo galeen salaadiin, Aqoonyahano, Waxgarad iyo Qurbajoog badan oo ku kala nool dhammaan qaaradaha dunida.

Kuwaas oo cadeeyey Taariikhda Ilma care oo beri hore lumay, qaarkoodna la helay sida Damal muuse ayna maqan yihiin sida Dandaan Carre iyo Kuul Care Hadalkan waxaa yiri Suldaan Maxamed xirsi qani 25kii bishii Ramadaan ee sannadka  ka dib markii uu isagoo  Hargeysa jooga uu Khadka telefoonka ku soo xiray  suldaan Yuusuf Xiiray oo wadanka Ingiriiska joogay si uu uga qayb galo shir ay isugu yimaadeen dad meelo badan shirka lagaga soo xiray qurbahana u badnaane Dadkaas oo ka koobnaa dhammaan ardaayada H/yoonis iyo Kuul Care, hadalkii suldaanku waxuu ahaa sidan;

Aabahay oo Xamar aadaya ayaa igu yiri markaan soo noqdo waxaan galo waxaa ugu horaynaaya Hawsha Kuul care, markaa Dhegaha ii fura reerka kuul carow waxaan oofinayaa dardaarankii Aabahay, anigoo yarna waan ogaa inay maqan ilma carre Dandaan  Kuulcare, sheeko dheer ka dib  waxuu cadeeyey inuu  shir qaban doono shirkaas oo uu isugu yeeri  inta afsoomaali ku hadasha si uu uga dhaadhiciyo in maalinta shirka laga bilaabo in Kuul carre loola dhaqmo Ardaa ka mid ah ardaayada Habaryoonis Haddii ay noqon lahayd guur iyo dhaqanba cidii ay wax dhex maraana ha u aqoonsato inay wax dhex mareen qoys habaryoonis ah, waxuu ballan qaaday inuu qodobadan soo socda  oofin doono;

 

  1. In reerka Kuulcarre yahay Ardaaga  19naad ee H/yoonis.
  2. Waxuu sheegay inuu Kuulcare dejin doono degaan ka mid ah degaamada H/yoonis
  3. In ninkii ka horyimaada arinta Kuul Carre laga qaadi doono talaabo sharci oo ay ka midaysan tahay Habaryoonis.
  4. In cidii ay wax dhex maraana ay ula dhaqanto sida Ardaa ka mid ah Ardaayada H/yoonis.
Anigoo hadalka soo ururinaaya waxaa dhacday maalmahii ina dhaafay inuu Hargeysa ka degay Garaadka Beesha KuulCare Ahmed Diiriye Gelylan iyo wafti uu hogaaminaayo kaasi oo shacbiga Soomaliland si laab iyo qalbi furnaan ah u soo dhoweeyeen. Suldaanka sheekadu ku socoto Suldaan Mahamed suldaan Hirsi qani waxuu ka mid ahaa dadkii  Garaadka wax ka soo dhoweeyey iyo Saladiintii  uu la shir markii uu  Hargaysa yimi, waxaase layaab noqotay in maalintii labaad suldaanka iyo toban suldaan oo kale ay soo saareen Bayaan Argagax ku noqotay ummada Somaliland, waayo Odayga waxaas lagama filayn Marka la eego waxyaabahii aan ka soo sheekeeyey. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Nin intuu yiri diidaa waxuu diidaa intuu dhalay buu diidaa). Gebagebada Suldaanada waxaa lagu yiqiin Miisaan iyo inay yihiin dadka Ummada ugu hadal cad uguna hufan.
 
 
Buraanbur Ma doonaynin Baabkiisa inaan Furee!
Suldaan yare booday baan bayt yar oranayaa.!
Anoo Hadh qaboow fadhiya Hawla aan ku jirin,!
Dhalaankuna ii hurdaan Qaar hadaaqayaan.!
Ragii buumka ii tumee soo bax igu yidhoow.!
Walaal Bahday baad tahoo Beri horaad luntee.!
Bayaan baa kuu hayaa Gogolna kuu baraxay.!
In badan igu boorinaayee aan  badh diidayoow.!
Haddana qawlkoodii beenshee qodbahii ka baxay.!
Sifahan iga Hooya si Qabowna Haw Arkina.!
Sooyaalka Taariikhda iyo Sadaradii waqtiga.!
Rag soo saareene wax badan Sahanka ugu jireen.!
Markay Sare Joogsatee Saacadeedu timi.
Ma waxaa la Saluugay Saada KuulCare'ah.?
Suldaan Cabdi Qaniyow Hadalkayga Sumad ku dhigo.
Suldaan Hadalkiisu socon waayey waa Saluug.
Adigu socotayee Rag baa Samaha Reerka wada.
 
   Waa qalinkii Aamina Faarah   Email halyeyfarah@yahoo.com   

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com