shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxo Diimeedyada Al- Shabaab iyo Ahlu Suna oo ku dagaalamay Gacan ku heynta Dhuusa-Mareeb

(Dhuusa Mareeb,  January  02,  2010 Ceegaag Online)

Dagaalada Culis ee saaka Aroor nimadii hore ka bilowday Xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay u dhaxeeyaa xarakada Shabaab Almujaahidiin iyo Ahlusuna Waljameeca oo iyagu in dhowaaleba gacanta ku hayay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduu.
 
Waxaana daryanka madaafiicda laga maqlayaa Guud ahaan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolkaasi Waxaana magaaladaasi gacanta kuhayey mudooyinkii ugu danbeeyey kooxda alshaab oo iyagu inta badan gobolada koonfurta gacanta kuhaya.
 
Dadkan ka cararaya Dagaalka Soconaya ayaan aqoon goob ay fooda saaraan iyagoo aan wadan sahay ay ugu yartahay biyo ay cabaan islamarkaana naftooda ka bad baadinaya qasaare ka soo gaara Dagaal dhaca waxaana xarumaha caafimaadka lageeyey dad farabadan oo ku soo dhaawacmay dagaalkaasi iyo kuwa ku dhintaba balse lama oga inta khaaruhu uu leeg yahay waliba waxaa socda dagaalka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com