shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan lagu Dar Dar galinayo Cashuuraha Maaliyada oo Buuhoodle lagu Qaybtay

(Buuhoodle,  January  01,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Buuhoodle ka dhacay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii gobolka Cayn iyo degmooyinkiisa looga dhaqaajin lahaa Cashuuraha loona da dar galin lahaa, waxaana kulankaasi soo qaban-qaabisay wasaarada maaliyada xafiiskeeda gobolka Cayn.
 
Waxaana ka soo qayb galay gudoomiyey kuxigeenka gobolka cayn maxamuud Sh Cumar iyo madaxa maaliyada ee gobolka Cayn C/Qaadi Maxamed Hiirad, cuqaasha gobolka ganacsada iyo marti sharaf kale.
 
Waxaana kulan lagu lafo guray sidii ugu haboon ee gobolka Cayn looga dar dar galin lahaa dhaqaajinta cashuuraha gobolkuna wax soo saar u yeelan lahaa wax loogu qaybto arimaha bulshada waxaan kulankaasi ka hadlay waxgaradka Buuhoodle oo ka codsatay ganacsatada inay bixiyaan cashuuraha lana shaqeeyaan dawlada Hoose siiba waxdeeda Canshuur ururinta.
 
Dhinac kale Wasaarada Maaliyada Xafiiskeeda gobolka Cayn ayaa Soo badhiga qaabka cashuuraha uga qaadayaan ganacsatada waxaana madaxda maaliyadu sheegeen inay wax ugu Qabanayaa gobolka cayn dhinaca caafimaadka waxbarashada arimaha kale, waxaana loo balamay in kulamo kale oo noocan oo kala ah laysugu yimaado.


 
Cali Osman Yuusuf
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com