shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee Maamulka Puntland oo booqday Xarunta TB-da ee Buuhoodle.

(Buuhoodle,  January  05,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Gobolka Cayn  ee Maamulka Puntland Xariir Maxamud Axmed  Dhagayso

Agaasimaha xarunta TB-da buuhoodle Dr Cabaas Xaaji Maxamuud Dhagayso

Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamud Axmed, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Cayn, Maxamuud Sh Cumar, Cuqaal, Saraakiil katirsan ciidanka booliska iyo marti sharaf kale ayaa maanta booqday xarunta TB-da ee magaalada buuhoodle,Waxaana ay halkaasi kulamo kula yeesheen Masuuliyiinta Caafimaadka ee Buuhoodle.

Gudoomiyaha gobolka cayn ayaa Xarunta buuhoodle ee TB PROGRAM kula kulmay agaasimaha xarunta TB-da buuhoodle Dr Cabaas Xaaji Maxamuud waxaana Dr Cabaasi halkaasi warbixin ku siiyey gudoomiyaha xaalada dadka Qaba cudurka TB-da ee ku nool  magaalada buuhoodle daawadana ka Qaata xarunta TB-da ee Buuhoodle.

Dr Cabaas waxaa u Sheegay gudoomiyaha iyo Ceegaag Online oo ahayd saxaafada kaliya ee la Socotay wafdiga in dadka Qaba TB-da ay ka kala Yimaadaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyina hoosyimaada Gobolka Cayn, iyo waliba dhulka Hawd-ka sare ee Ethiopia.

Dr. Cabaas ayaa  sheegay in daawada iyo baadhitaankana ay halkan ka helaan ayna bixiso Ha,yada caafimaadka Aduunka ee WHO oo kaalim wayn ka Ciyaartay  bixinta daawada iyo arimaha xarunta caafimaadka iyadoo hada la wado dhime Cusub oo la doonayo in dadka Qaba TB-da ee daawada qaata ee magaalada ku noqday ay usamaynayaa goobo ay jiifsadaan inta daawadu u socoto.

Daawo Sawiradda

Cali dhagjar
Ceegaag Online
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com