shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

UNICEF oo Deeq agab ah soo gaadhsiiyey dadkii dhawaan guriyuhu kaga gubteen buuhoodle

  (Buuhoodle  Feb 18,  2010 Ceegaag Online)

Mayor-ka (Duqa) Buuhoodle Xuseen Dacwi Ducaale

Agaasimaha Hay'ada Hadma C/casiis Dhageyso 

Gudoomiyaha qaxootiga reer koonfureed Dhageyso

Ha’yada UNICEF oo kamid ah ha’yada Qaramada Midoobay ayaa magaalada buuhoodle soo gaadhsiisay Qalab isugu jira Bustayaal, maacuun, bacaha roobka iyo agab kale oo loogu tala galay in ha,yada unicef gaadhsiiso dadkii dhawaanta guriyahu kaga gubteen magaalada buuhoodle ee ka soo jeeday koonfurta somalia.

Ha,yada Unicef ayana deeqdani soo marisay ha’yada HADMA oo dhinaca puntland u Qaabilsan masiibooyinka iyo aafooyinka waxaana maanta dadkaasi loogu Qaybiyey kaamka ay ka degan yihiin magaalada buuhoodle oo ay joogeen masuuliyiin ka socota hadma iyo madaxda maamulka degmada buuhoodle iyo gobolkaba waxaa sidoo kale goob joog ahaa dadkii ka soo barakacay koonfurta somalia iyo kuwa guriyahoodii kaga gubteen magaalada buuhoodle.

Xafladii ayaa waxaa hadalo ka jeediyay masuuliyiinka ha,yada hadma maamulka degmada iyo gudoomiyaha Qaxootiga dadka Reer koonfureed oo mahad celin halkaasi ka jeediyey sheegayna in aad ugu farax san yihiin kaalmada la soo gaadhsiiyey.

Daawo Sawiradda

Cali Dhagjar

Ceegaag Online

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com