shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaar kamid Isimada SSC oo Buuhoodle dib ugu soo laabtay una kicitimay tuulada heegaale.

  (Buuhoodle  Feb 15,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada buuhoodle markii ugu horaysay dib ugu soo laabtay Qaarkamid ah isimada SSC oo ka Qayb galay shirkii dhawaan lagu Qabtay magaalada buura,wadal waxaana isimadaasi soo gaadheen magaalada buuhoodle iyagoo ka soo kicitimay magaalada buura,wadal oo shirkii isimada ssc dhawaan lagu soo afmeeray.

Shabakada wararka Ceegaag online ayaana la kulantay Isimada gaar ahaan Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo iyagu dib buuhoodle ugu soo laabtay Garaad saleebaan buraale ayaana Ceegaag Online u sheegay inay hada ku sii jeedaan magaalada heegaale oo dhawaan labo beeleed oo wada dega deegaankaasi tacshiirad sababtay dhimasho iyo dhaawac halkaasi ka dhacday waxaana garaadku sheegay inay markay soo laabtaan ka warbixinayaan shirkii isimada buura,wadal ee go,aamada laga soo saaray.

Isimada ayaana saaka u kicitimaya magaalada heegaale oo haatan ay kusugan yihiin dhamaan waxgarad ka kala socda buuhoodle Hawdka, iyo masuuliyiinka ka socda Ismaamulka deegaanka Somalida Itoobiya oo dhamaantood ku mashquulsan sidii loo dhamayn dhacdadaasi sababtay dhimasha iyo dhaawaca ee magaalada heegaale ka dhacday waxaaba lagu wadaa inay isimadani arintaasi ka Ciyaaraan kaalin lixaad leh oo labada dhinacba kulamo layeeshaan sidii howshaasi nabad galiyo loogu dhamayn lahaa.

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com