shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Ceegaag oo laga bilaamay Masjid Jaamacii labaad ee ay yeelato Degmadaasi.

 (Ceegaag,    Feb 22,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Degmada Cabdi Xaaji Cali (C.riigle) Dhageyso

Culumaa'udiinka Degmada Ceegaag Dhageyso

Magaalada Ceegaag Waxaa laga Bilaamay dhismaha Masjid Jaamacii labaad ee ay yeelato Degmada Ceegaag, Masjidkan oo ah ka ugu weyn Guud ahaanba dhulka Gamaha ah ee buuhoodle ka xiga dhinaca Waqooyi misaajidkan ayaa laga bilaamay xaafada Ceegaagta Bari.

Shabakada Wararka Ceegaag Online ayaa u suurto gashay in ay Booqasho ku tagto magaalada Ceegaag oo laga bilaabay misaajidkani aad sawirkiisa aragtaan oo ah kii ugu waynaa ee laga hir galiyo mandaqadaasi waxana ceegaag online dhismaha misaajidka inta uu le'eg yahay ka waraysatay Gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji cali Cilmi (C/riigle) oo Ceegaag online sharaad dheer kasiiyey halka uu misaajidku marayo isagoo ugu baaqay gudoomiyuhu dhamaan umada Islamka ah inay gacan ka gaystaan dhismaha misaajidkan  oo hada aad bilowgiisa aragtaan iyo halka uu marayo.

Dhinaca kale Culumada Diinta ayaa ugu baaqay dhamaan umuda Islaamka ah iyo jaaliyada dibada iyo kuwa u dhashay Ceegaagba inay gacan ka gaystaan si ay uga qaybqaataan dhismaha misaajidkan waxaana culumada ka hadleen khayrka iyo ajarka uu leeyahay misaajid aad ilaahay hortiis uga Qayb Qaadato oo aad gacan ka gaysato.

Sidoo kale waxaa dhismaha misaajidkani soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan Guud ahaanba Degmada Ceegaag oo sheegay inay baahi wayn u Qabaan dhismaha misaajidkani oo ay sheegeen inay aad ugu farxasan yihiin waxayna ugu baaqeen umuda islamka ah inay gacan dhaqaale ka gaystaan misaajidkani oo ah kii ugu waynaa ee Degmada  Ceegaag laga hirgaliyo.

Daawo Sawiradda

Cali Dhagjar  

Ceegaag

webmaster@ceegaag.com