shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulan looga hadlayo Amaanka Magaalada Laascaanod oo dhexmaray Wasiiro Somaliland ah iyo laamaha bulshada gobolka Sool.

(Laascaanod ,  February  02,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta magaalada Laascaanoo ee xarunta gobolka sool kulan balaadhan kuyeeshay Qaarkamid xubnaha golaha wasiirada somaliland iyo dhamaan laamaha bulshada magaalada Laascaanood kulankaasina waxaa uu maanta ka dhacay Hotel xamdi oo kuyaala bariga magaalada Laascaanood waxaana maanta kulankaasi diirada lagu saarayey amaanka magaalada Laascaanood sidii wax looga Qaban lahaa.

Waxaana maanta kulankaasi dhinaca somaliland goob joog ahaa wasiirkada arimaha gudaha oo isagu waftigaasi wasiirada horkacaya waxana maanta dood dheer oo ka dhacday hotel xamdi lagu lafo guray sidii amaanka magaalada Laascaanood wax looga qaban lahaa dadwaynaha iyo ciidamaduna Wada shaqayn u wada dhexmari lahayd.
Waxaana halkaasi figrado kala duwan ka soo jeediyey waxgaradka gobolka sool iyo haweenka dhalinyarada oo goob joog ahaa sheegayna in laamaha amaanka gobolka sool ka gaabiyeen inay ka hortagaan Qaraxyada iyo dilalka Qorshaysan oo aanay jirin cid loo qabtay marka Qaraxu dhacay dad farabadan oo shacab ah xabsiyada loo taxaabo qaarkoodana ay hada ku xidhan yihiin.

Wasiirada ka socady somaliland oo tiradoodu gaadhayso 9 wasiiro wasiiro kuxigeeno ,siyaasiyiin ayaa dhinacooda qaatay in saraakiisha ciidamada somaliland ay ka gaabiyeen sidii amaanka wax uga qaban lahaayeen waxana ay wasiiradu u sheegeen waxgaradka reer sool inay dhinacooda wadaan qorshe looga hortagayo Qaraxyada inta aanay qarxin waxana wasiiradu ka codsadeen in dadwaynaha iyo waxgaradkuna la shaqeeyaan ciidamada amaanka magaalada Laascaanood,waxba loo balamay kulan kale oo barito ah.

Dhinaca kale waxaa wali hawada ka maqan isgaadhsiinta dhinaca mobilka magaalada laascaanood waxaana shaqaynaya oo kaliya taleefoonka line lineka oo qofka jooga gudaha somalia uu soo waci karo iyo dibadama.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com