shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saturday Feb 20, 2010 waxaa garoonka Kubada cagta ah ee Tobin ee Magalaada Boston lagu qabtay koob ay kasoo qayb galeen kooxo ka kala yimid gudaha magaalada Boston iyo Gobalka Maine

 (Boston,  Feb 23,  2010 Ceegaag Online)

Saturday Feb 20, 2010 waxaa garoonka Kubada cagta ah ee Tobin ee Magalaada Boston lagu qabtay koob ay kasoo qayb galeen kooxo ka kalayimid gudaha magaalada Boston iyo Gobalka Maine. Koobkaan oo ay soo abaabuleen Ciyaartoyda Boston gaar ahaan Ciyaaryahan Reer Boston Nuuradiin oo kooxda Boston Stars uga ciyaara dhinaca weerarka.

Koobkaan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen akhyaar badan oo kamid ah bulshada Boston ayaa waxaa uu ahaa mid ku bilawday kuna dhamaaday si damaashaad iyo farxad leh, kaas oo koox walba ayadoo faraxsan ay garoonka kadareertay. Kooxaha kasoo qayb galay ayaa ahaa 6 kooxood, 4 Boston kasocotay oo kala ahaa Altaqwa Strs, Altaqwa Jr. Boston Strs, Odyaasha, iyo 2 Maine  kasocday  oo kala ahaa Maine Tigers iyo Maine Jr. hoos ka arag sawirada Kooxaha kaqayb galay.

Wareegii is araga kadib waxaa wareegii Semi Finalka usoo gudbay 4ta kooxood oo kala ahaa Altaqwa strs, Maine Jr, Odayaasha iyo Boston Strs, waana 3 Kooxood oo Boston ah iyo Hal Maine ah.

Waxaa fooda isdaray Odayaasha iyo Boston Strs waxaa 5-2 ku badiyey Kooxda Boston Strs. Sidoo kale waxaa Fooda is daray Altaqwa  Strs VS Mane Jr. waxaa guusha ay raacaday Altaqwa  oo kubaduyey 2-1.

Finalka waxaa iskugu soo baxay 2 kooxood oo Boston ah,  waana Boston Strs vs  Altaqwa Strs. Ma ahan markii ugu horaysay ee labadaan kooxood  isku yimaadan Finalka, waxaa ka horeeyey koobkii ay finalka is kugu yimaadeen  Dec 2009. Ee Mutamrkii dhalinyarada oo lagu qabtay Tobin kaas oo guusha ay ku raacday Kooxda Altaqwa Strs.

Ciyaartaan oo ahayd mid aad xiiso u leh Dhamaan daawada yaashuna ay horay ugu saadaaliyeen koobkaan in uu qaadi doonan labadaan kooxood midood. Markii labada kooxood ay fooda isdareen ayaa waxaa kamuuqadaty dar dar iyo in koox walba ay rabto in qaado Koobka. Ciyaartii ayaa waxay ku dhamaatay 4-3 oo guusha ay ku raacday Kooxda Boston Strs, waxayna soo aarsatay Koobkii Finalkii hore lagu qaaday. Labadaan kooxood ayaa ah kooxaha ugu adag ee kajira Boston.

Mar somalileague ay waraysi layeelatay Ciyaaryahan Difacaca uga ciyaara kooxda Boston Strs isla markaana ah Coach-ka kooxda Cumari ayaa sheegay in aad ugu farax sanyihiin guushaan balse uu aad uga jeclaan lahaa in guushaan oo kale uu  kasoo hoyiyo Koobabka lagu qabto Ohio iyo Minneapolis oo  ciyaartowda Boston Markasta ay kaqayb galaan guul darana kala soo laabtaan.

Waxaan leenahay Hambalyo Kooxda Boston Stars guusha aad gaarreen una gaarteen Dhamaan ciyaartowda Boston.

Daawo Sawirada

C/laahi Afgaab

Boston

 

webmaster@ceegaag.com