shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdiriigle) oo Maanta dhagax dhigay misaajid kii labaad ee laga hir galiyo Ceegaag mudo labo sanadood gudeheed ah.

  (Ceegaag  Feb 14,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Gudoomiyaha Ceegaag CabdiriigleDhagayso

Ugu horayn Gudoomiyaha ayaa Jaaliyada dibada ka codsaday inay gacan ka gaystaan dhismaha majidka ilaahay dartiina wax ugu darsadaa, isagoo u mahad celiyay muslimiintii (Kuwaytiyiinta) ee ugu deeqday lacagta hada masjidka lagu bilaabay.

Gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilimi(C/riigle) ayaa maanta dhagax dhigay misaajid wayn oo lagu wado in laga dhiso magaalada labaad ee Ceegaag waxna munaasabada dhagax dhigaase ka soo Qayb galay Culumo dadwaynaha deegaanada ku xeeran magaalada labaad ee Ceegaag iyo magaalada kaleba iyo waliba marti sharaf kale oo maanta goob joog ahaa.
 
Gudoomiyaha degmada Ceegaag C/riigle ayaan taleefoonka degmada Ceegaag kula Xidhiidhay kadib dhagax dhigaasi waxaan gudoomiyaha degmada Ceegaag. Ceegaag Online faaf-faahin ka siiyey baaxad dhulka uu Misaajidku ku fadhiya oo ah Dhul aad u balaadhan oo misaajidka loogu tala galay inay ka faa'iidaystaan dadka kunool madaqada Ceegaag iyo waliba dadka la dariska ahba.
 
Gudoomiyaha degmada Ceegaag ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan dadka muslimiinta ah inay gacan ka gaystaan misaajidka laga dhisayo magaalada labaad ee Ceegaag oo ah misaajidkii ugu waynaa ee laga hirgaliyo guud ahaan Ceegaag iyo magaalooyinka hoos yimaada waxna gudoomiyaha degmada Ceegaag ugu baaqay Cid kastaaba inay u furan tahay inay kaalin lixaad leh ka gaystaan dhismaha misaajidka waxaana ugu khayr badan inaad maal kaaga galiso misaajid aad hor ilaahay kaalmo ugu darto.
 
Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Ceegaag ayaa nooga waramaya xaalada abaarta iyo biyo la'aanta degmadaasi sida haatan ay tahay oo dad farabadan oo Reer guuraa ahi ku soo hayaameen Waraysiga Gudoomiyaha oo dhamaystiran ka dhagayso Ceegaag online
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag online
Buhodle
Email calidhagjar@hotmail.com
 

www.ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com