shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay dilkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Sararawayne.

(Sararawayne,  September 14,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo ay ka soo wareegtay muddo 3 casho ah dilkii qorshaysnaa ee lagu khaarajiyay alla ha u naxariistee labada marxuum ee kala ah Maxamed Cabdi-giir Dabagooye iyo Cabdifatax Maxamed Axmed Dabagooye oo ka dhacay tuulada Sararawayne ayaa waxaa isa soo taraya warar sheegaya in khilaaf keeni kara gacan ka hadal uu ka dhexqarxi karo jifooyinka reer Hagar ee dilka gaystay dhexdooda ka dib markii ay isku khilaafeen qaabka ay u maamuleen gacanku dhiiglayaashii dilka gaystay oo midna la soo qabtay qaarkii kalena  aan wali gacanta lagu soo dhigin.

 Jifada reer Colow oo uu ka soo jeedo gacankudhiigle Goofadhe Cumar Xaaji Maxamuud ayaa soo dhoobay ciidamo beeleed magaalada Buuhoodle maanta iyagoo ka dalbaday jifooyinka kale ee reer Hagar in ay soo qabtaan nimankii la fuliyay Goofadhe Dilka ama iyagana loo siidaayo wiilkooda. Ardaaga reer Colow ayaa ku dooday in reer Hagarka kale isaga dhexbaxaan iyaga iyo Hayaag , balse taas ayaa waxaa ka biyo diiday inta badan reer hagarka ka dib markii ay ku doodeen in aysan reer Colow kaligood dilin 22-ka nin ee Hayaag  ee muddada 3 sano ah la dilay,balse reer Hagar oo dhami ay u dhammaayeen.

Waxaa kale oo reer Hagarka kale ku doodeen in maaddaama reer Colow reer Hagarka kale godob badan u soo jiideen in ay maanta badbaadiyaan gacankudhiiglayaashe kale ee reer Hagar kuna adkaystaan in Goofadhe uu kali ku ahaa dilka labadaas marxuum.

Goobjooge ku sugnaa goobta lagu wada hadlayay oo diiday in aan magaciisa la shaacin ayaa shabakadda Ceegaag.com khadka telefoonka ugu sheegay in arrintan ay isku mariwaayeen ardaayada reer hagar iyadoo markii ugu dambaysay ay iska doorteen 3 nin oo guddi ah oo kala ah

1. Cismaan Baxnaan Cabdille

2. Cabdisamad Xasan Cali Baashaar iyo

3. Ibraahin Cali Shire.

Waxaa kale oo goobjooguhu noo xaqiijiyay in guddiga beesha reer Hagar horay isugu afgarteen haddii reer Colow lagu qanciyo in ladhiibo gacankudhiiglaha  lagu wareejiyo beesha Reer Cali-Gari ee Axmed Garaad si ay ugu wareejiyaan beesha Hayaag.

Beesha Hayaag ee dhibku gaadhay ayaan iyaga  illaa hadda  mowqifkoodii waxba iska baddalin iyadoo goobjooguhu noo xaqiijiyay in ay ku adkaysteen in beesha reer Hagar soo dhamaystiraan gacankudhiiglayaashii falkan gaystay iyo kuwii ku gargaarayba.

Dhinaca kale Waxaa kaloo goobjooguhu noo sheegay in odayaasha beesha Hayaag qaarkood wadahadal hoose la bilaabeen beesha reer Hagar, balse aan illaa haddeer la ogayn waxayaabaha ay ku wadahadleen ama isla meeldhigeen.

Wixii war ah ee ka soo kordha arrintan kala soco Ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com