shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Walaaca Dawladda Maraykanka ee Somalia iyo Qulqulka Dhalinyaradda soomaalida Americanka ah.

(Washington, September 05,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa sii kordhaya Walaaca Dawlada Maraykanku ka qabto somalia marka la eego hanaanka ay Al-Qaacida qeybta uga tahay Dagaaladda somalia hadaba Sarkaalka ugu sareeya Laanta Sirta ee dalka Mareykanka ee dibadaha qaabilsan ayaa shaaciyey in ay dalka Soomaaliya soo galaan qaar ka mid ah Madaxda Sare ee Ururweynaha AL-Qaacida oo uu dagaal adag kala dhaxeeyo dowladda Mareykanka, sida uu sheegay.

Agaasimahan ayaa xaqiijiyey in ay heleen macluumaad dheeri ah oo la xariira arrimahan, ayna ku jiraan dabagal aan ku sameyno dadaalo baahsan oo ku aadan arrintaasi, isagoo sheegay in ay la kaashanayaan arrintaasi Sirdoonka dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ,CIA-da ayaa sidoo kale sheegtay in ay Saraakiisha Al- Shabaab wada hadal lagashay kooxda Al- Qaacida, ayna ubalan qaaday in ay difaaci doonaan, ayna siin doonaan goobo ay joogi karaan oo aysan cidna ku heysan, waa sida lugu qoray warbixin bishiiba mar ka soo baxday Sirdoonka Americanka.

Sarkaalkani ka tirsan Sirdoonka CIA-da ee Americanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in ay Kooxaha la dagaalamaya dowladda Soomaaliya ay heleen hub badan iyo lacag uu sheegay in ay ku taageereen qaar ka mid ah dhinacyada Soomaalida, wuxuuna sheegay in lacag badan looga aruursho dalalkan dibada, isla markaasna loo diro gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixintan ayaan meesha ka saarin in Dhalinyaro badan oo soomaali jihaad doon ah u baqooleen Somalia si ay uga barbar dagaalaaman Kooxaha ka soo horjeed Dawladda KMG ah ee somalia iyadoo ilaa hadda ay ku dhinteen 4 dhalinyaro soomaali Maraykan ah Dagaaladda ka socda Magaaladda Muqdisho.
Marka Taasi laga soo tago waxaa qaar ka mida Jariidadaha Dibadu maanta qoreen warbixin ku saabsan in Wiilkii 5-aad oo Soomaali Maraykan ah oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan oo 23-jir ah dhiganayayna Jaamacadda University of Minnesota uu dagaalada Muqdisho ka socda ku dhintay ,Wiilkani ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaal habeenkii Jimcihii dhexmaray xoogaga xarrakada Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM sida uu qoray Wargays ka soo baxa Magaalada Minnesota ee Dalka Maraykanka.
Geerida wiilkaasi Soomaali Maraykanka ah ayaa la sheegay in laga soo xigtay wiil ay saaxiibo ahaayeen Marxuumka oo weli ku sugan Minnesota, sidoo kale waxaa geerida Wiilkaasi qiray ehelladiisa oo iyagu sheegay inay soo gaaratay in wiilkooda uu ku dhintay Magaalada Muqdisho.

Wiilkaan geeriyooday Maxamuud Xasan ayaa ka baxay dugsiga sare ee Roosevelt sannadkii 2006-dii, waxayna saaxiibadii sheegeen in lagu naynaasi jiray Maska 'Snake', wuxuuna magaciisa ku badalay Soomaaliya markii uu yimid Bashiir, wuxuuna Wiilkaasi dhigan jiray markii uu Maraykanka joogay qaybta Engineering wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 2008-dii dib ugu laabtay dalkooda, iyadoo mas'uuliyiinta gobolka Minnesota ay sheegeen inay ka mid noqdeen Xarakada Al-shabaab.

Isku soo wadda Walaaca dawladda Maraykanka ayaa sii xoogaystay tan iyo intii ay bilaabantay in Dhalinyaradda somalida Maraykanku u kicitimaan somalia, waxaana hadda xabsiyada Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ku jira Saddex wiil oo ka mid ah dhallinyarada Somali-Maraykan ah kuwaas oo ku eedeysan inay ka qaybgaleen dagaalladii u dhexeeyaya Al-shaabab iyo ciidankii Itoobiyaanka ee ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2006-dii, iyagoo haatan ah xukun sugayaal.

 www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com