shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi ka socda Xukuumadda Puntland oo soo gaaray Qardho iyagoo ku sii jeeda Gobolka Bari + SAWIRO.

(Qardho,  September 21,  2009 Ceegaag Online)

Wafdi Balaaran oo ka socda Golaha Xukuumadda Puntland ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka karkaar,Wafdigan ayaa waxaa Hogaaminayay Madaxweynaha Puntland Dr:C/raxmaan shiikh Maxamed iyo Madaxweyne/ku/xigeenkiisa Gen:C/samad cali shire iyadoo sidoo kale ay la socdeen Masuuliyiin ka mida Labadda Gole ee xukuumadda Puntland sida Baarlamaanka iyo Wasiiradda.

Wafdigan ka socday Xukuumadda Puntland ayaa ku sii jeeday Magaaladda Bosaso ee xarunta Gobolka Bari halkaasi oo ay ka soo xalin lahaayen Khilaaf u dhexeeya Labbo beelood oo wada Dega Gobolka bari kuwaasi oo dhawaantan uu dagaal ba'ani ku dhexmaray Deegaano hoos yimaada Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland.

Masuuliyiinta Dowladda Puntland ayaa la kulmay Markaasi ka dib Qaar ka mida Nabadoonadda iyo Waxgaradka Gobolka karkaar,Dadkii Madasha ka hadlay Waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr:C/raxmaan Shiikh Maxamed(Faroole) isagoo ku dheeraday Khilaafyadda Beelaha Puntland isla markaasna wuxuu Madaxweynuhu ku nuuxnuuxsaday in Maanta Puntland tahay Goob nabada ayna Haboontahay in La sii Kobciyo Nabadda aan haysano Maanta.

Dr Faroole wuxuu Tusaale u soo Qaatay Meelaha Somalia ay Dhibaatoyinku ka jiraan Sida Koonfurta iyo Bartamaha Somalia isagoo carabka ku dhuftay Muranka siyaasadeed ee Somaliland ka jira wuxuuna Madaxweynuhu ugu Baaqay Dhinacyadda Siyaasadda isku haya inay Cibriqaataan waxa Maanta Xamar ka socda.

Dhanka kale waxaa noo suurto Gashay inaan Makroofanka la tiigsano Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen:C/samad Cali shire,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen:C/samad ayaa ugu horayntii sheegay inuu Nabad ugu Baaqayo Dadka Dhibaatadda ka wada Gudaha Puntland isla markaasna ay hadda ku sii jeedaan Gobolka Bari si ay usoo dhameeyaan Khilaaf labba beelood u dhexeeya.Gabagabadi Gen:C/samad Cali shire wuxuu sheegay in Markii ay ka soo laabtaan Gobolka Bari uu jiri Doono Safar uu ku aadi Doono Magaaladda Buhoodle si ay ugu Baahiyaan Maamulka.

Daawo Sawiradda


 

webmaster@ceegaag.com