shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda UNHCR oo sheegtay in Dad Tahriibayaal ah ku Qaraqmeen Xeebaha Dalka Yaman.

(Yaman,  September 16,  2009 Ceegaag Online)

Hay'adda QM u Qaabilsan Dhaqdhaqaaqa Qaxootiga ee UNHCR ayaa shaacisay in Dad Muhaajiriin Hor leh oo African ahi ku Qaraqmeen Xeebaha Dalka Yaman , Dadkani ayay Sheegtay Hay'addu inay Tiro ahaan Gaarayaan 16 halka la'yahay 49 qof oo kale oo saarna Dooni aad u tabaryar oo ka soo Kicitintay Xeebta Mareera ee Maamulka Puntland.

Wakaaladda Wararka Dalka Yaman SABA oo soo xiganaysa Afhayeenad u hadashay hay'adaasi oo lagu Magacaabo Melisa Filimingi ayaa sheegtay in Dadkaasi Geeriyooden Ka dib markii ay ka daateen Doon ay la socdeen oo ku sii jeeday Xeebaha Dalka Yeman,Melisa Filimingi oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri"Warbixin aan helnay ayaa sheegaysa in Dadkani ka daateen Doonta markii ay Dhinac u ciirtay iyadoo ahayd mid aad u tabaryar,Dalka Yeman Maalmihi ugu dambeeyay waxaa soo gaaray Dhawr doonyood oo sida Tahriibayaal ah oo Ka soo baxay Xeebaha Somalia".

UNHCR waxay sheegtay in dadka shilkaan ku geeriyooday ay iskugu jiraan Somali iyo Ethiopan IYadoo ay jiraan Hawgalo ay Wadaan Ciidamadda Badda ee Dalka Yeman.

Hay’ada UNHCR ayaa sheegtay in sanadkaan oo kaliya dalka Yemen ay gudaha u galeen (43,586 Afartan iyo Sadex kun shan boqol Sideetan iyo lix) ruux oo Muhaajiriin African ah halka xeebaha dalkaasina ay ku geeriyoodeen in ka badan 273.

Isku soo wadda Duubo Dadka Tahriibayaasha ah ayaa u badan Somali ka timaada Koonfurta Somalia oo ka soo cararaya Dagaaladda ka socda Magaaladda Muqdisho iyadoo sidoo kalena ay Goboladda Puntland soo galaan Dad Ethopian ah oo u badan Oromo kuwaasi oo iyana horay usii raacaya Somalida tahriibaya ,Dadka Tahriibayaasha ah ayaa ka faa'idaysta Wakhtiga lagu Jiro Bisha barakaysan ee Ramadaanka maadaama aanay jirin Ilaalo weyn oo laga hayo Xeebaha Dalka Yaman waxayna Doonyo Tabaryar ka raacaan Xeebaha Puntland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com