shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iran oo Dhoolatus Military u Muujisay Yuhuuda iyo Maraykanka.

(Tehraan,  September 28,  2009 Ceegaag Online)

Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa Maalintii Labaad tijaabinaysa Hubkeeda Ridada Dheer gaar ahaan Gantaaladda noocyadda kala duwan u dhaca sida,Nooca ridada dhexe,nooca riddada gaaban iyo Nooca Ridada dheer ee Shabab-3 oo gaari kara Magaalooyinka Talaabiib iyo Gacanka Khaliijka oo Maraykan ku leeyahay Saldhigyo Military ,Gantaalka Ridada dheer ee Shahab-3 iyo Gantaalka kale ee Sejil ayaa Maanta Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ku guuleystay inuu Hawadda u diro sida uu sheegay Taliyaha Ciidamadda Cirka ee Iran Gen. Hossein Salami

Gantaaladda Ridada dhaadheer ee Iran Maanta tijaabisay ayay Guul ka gaartay markii iyana ay shalay Tijaabisay Labbo gantaal oo kale,Iran ayaa dhoolo tuskeeda military muujisay ka dib markii madaxweyne Axmed najad ka hor sheegay golaha loo dhanyahay ee Qaramadda midoobay In Iran ay leedahay warshad kale oo lagu sameeyo Macdanta Uraniumka oo ku taala Magaaladda Barakaysan ee Qam-Koonfurta Magaaladda Caasimadda ah ee Tahran.

America,Britain iyo France ayaa durbaba shaaca ka qaaday in Iran la saaro cunaqabatayn caalami ah markii arrintaasi soo baxday inkastoo hay'adda Atoomikadda Caalamiga ah sheegaytay in aanay Iran horay ula soo socodsiin warshada kale ee lagu sifeeeyo Macdanta Uraniumka ,Sida aanu ka soo xiganayno Tvga Qaranka Iran "Press tv" waxaa Gantaalkan la tijaabiyay Maanta oo Isniin ah Ridadiisu gaaraysaa in ka badan 1,300 to 2,000 kilometers (807 to 1,242 miles) wuxuuna Gaari karaa Israel iyo Gacanka Khaliijka.

Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com