shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qurba joogta beesha Hayaag oo tacsi u diraya reer Dabgooye

(Sararawayne,  September 14,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa tacsi nasoo gaadhsiiyay badanaa Qurba Joogta beesha Hayaag khaasatan reer Cali Cawl, reer Xaaji Cali Abokor, reer Xasan Dhooble, reer Xaaji Cali Cilmi,  Maxamuud Cali Ayax, Ibraahim Diiriye Saleebaan, Hassan Jamaac Dacay, Ismail Hassan Jama, Nuur Sheikh (Nuuryare), Xuseen Jigraale  iyo dad badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Waxaa kale oo tacsi nasoo gaadhsiiyay Cabdillaahi Jaamac Shariif Dhagacade.

Dadkan ayaa dhamaan u tacsiyadeenaya reer Dabagooye dhamaantood meelkasta oo ay joogaan iyaga oo uga tacsiyadeenaya dilkii ku yimid laba ka mida Qoyskooda tuulada Sararawayne shalay.

Waxaana ilaahay uga baryayaan in uu u danbi dhaafo janadiina ka waraabiyo  labadaa marxuum Maxamed Cabdigiir Dabagooye iyo Cabdifataax Maxamed Axmed Dabagooye  Ammiin Aammiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com