shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisulwasaare Sharmaarke"Wadahadalo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn ayaa socda oo ay dowladdu la leedahay shaqsiyaad sarsare oo ka tirsan kooxaha mucaaradka".

(Muqdisho,  September 27,  2009 Ceegaag Online)

Ra'iisulwasaaraha DKMG ah ee Somalia Mudane:Cumar C/rashiid cali sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay wadahadalo kula jirto Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Kooxah Mucaaradka ah ee Dagaalka kala soo horjeeda DKMG ah ee somalia,Mr.Sharmaarke ayaa sheegay in Dowladu tahay mid Dib u heshiisiineed isla markaasna wakhtigan ay tahay lagama maarmaan in la abaaro Xaalad Dib u heshiisined oo loo dhanyahay.
 
Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid ayaa yiri markale isagoo sii wata Hadalkiisa " Hadii aan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda la hadalno, waxay nagu xiraan shuruudo ay ka mid yihiin inaan Dowladda ka siino jagooyin sar sare, Booska madaxweynaha ama Keyga..." wuxuuna sidoo kale sheegay Ra'iisulwasaare Sharmaarke in Xukuumadiisu raji ka qabto Hawlaha Nabadeed ee ay iminka ku jirto "Waan sii wadaynaa wadahadallada aan kula jirno kooxaha Islaamiyiinta ah, kuwo toos ha iyo kuwo aan toos ahayn, waxaan u qorsheynay saraakiisha sarsare inaan siino jagooyin waaweyn, waana mid aan ku kalsoonahay in wadahadaladu guulaysan karaan" ayaa uu yiri Mr:Sharmarke oo ka hadlayay Dib u heshiisiinta.
 
Si kastaba ha haate Ra'iisulwasaaraha Somalia Cumar C.rashiid ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadahadalo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn la leeyihiin kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Xukuumadiisa Isla markaasna wuxuu qiray Ra'isulwasaaruhu in Xukuumadiisu markasta Diyaar tahay.
 

Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com