shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerarkii Sep-11 Sideed sano ka dib Maanta oo kale(Warbixin).

(USA,  September 11,  2009 Ceegaag Online)

Weerarkii aadka ugu dheehnaa xusuusta Dadka Maraykanka ah ayaa Maanta oo kale laga xusayaa Magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka waxaana ay ku beegnayd Maalin Talaado ah 8:46 am (2001-09-11T08:46) – 10:28 am (2001-09-11T10:29) 11/Sep/2001 Waxaana weerarkaasi isku dubaridkiisa iska lahaa Ururwaynaha Al-Qaida oo qeyb ka ah Argagixisada Caalamiga ah.

Weerarkii Daaraha Mataanaha ah iyo Pantegon:-

 

Weerarkii Sep 11 lagu Qaaday maraykanka waxaa Bartilmaameed looga dhigay Xarumihi Ganacsiga ee (Twin Towers) Dabaqyadi Mataanaha ahaa iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pantegon waxaana Weerarkaasi fuliyay 19 nin oo asal ahaan ka soo jeeda Carabta Degta Bariga Dhexe,Labba diyaraadood ayaa Duqeeyay oo Dhexbartanka ka galay Labadi dabaq ee Ganacsiga waxaana ku nafwaayay 2,993 Qof oo ay ku jiraan 19 Naftood huriyayaashi weerarka Fuliyay Waxaana ku dhaawacmay in ka badan 6291 ,Diyaaradi 3aad ayaa iyana waxaa lala Beegsaday Xarunta Pantegon(Arlington,Virginia) Banaanka hore ee Washington D.C,Diyaaradi 4aad ayaa iyana waxay gashay Goob u dhaw Shanksvile oo ku teedsan Dhulka Miyiga ah ee loo yaqaan Pennsylvania.

Dadka waxyeeladu ka soo gaartay Weeraradi Sep-11 waxay isugu jireen Muslimiin iyo Gaalo iyadoo waxyeelada ugu badan ay soo gaartay Dad rayid ah oo u kala dhashay 90 Wadan oo dunida ku yaala,Hal qof ayaa u dhintay Cudurka Sambabka (Respiratory Disease) Burburkii Daaraha awgood sida ay xaqiijiyen Goobaha Caafimaad ee la tacaalayay.

Weerarkii Sep-11 wuxuu kalifay in Diinta Islaamku noqotay Cadawga Dadka Maraykanka Siddeed sano kaddib, sumcaddii Islaamku wali kama soo waaqsan bartii madoobeyd ee kasoo gaartay faniinkii 11-kii September. Daraasad ay bishii hore sameysay xarunta cilmi-baarista ee Pew Center, ayay ku xaqiijisay in 40% shacabka Mareykanku ay wali diinta Islaamka u arkaan mid dhiirri galisa fowdada.

Malaha dhibaatada ugu badan ee xagga sumcadda waxay soo gaartay Muslimiinta ku nool dalalka Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka. Ugu yaraan 7 milyan oo Muslimiin Mareykan ah, ayaa maalin walba la kulma takoor iyo faquuqid.

Muslimiinta Mareykanka ayay dhibaato ka heysataa dhoofidda, oo waxaa caadi ah in baaritaan dheeraad ah lagula dhaqaaqo qofka u muuqaal eg Muslim. Waxaase taa ka daran in gobollada Mareykanka qaar, sida kan Soomaalidu ay ku badan yihiin ee Minnesota iyo gobolka Oklahoma, in baarlamaannada gobolladaas la keenay mooshin mamnuucaya in gabdhaha Muslimiinta ah ay xijaabka xirtaan, marka laga qaadayo sawirka kaarka aqoonsiga.

Sanadkii 2006 ayaa la dhamaystiray Xarun kamida Xarumihii Ganacsiga Aduunka ee uu burburku soo gaaray Sep-11 waxaana hadda uu Dhisme ku socdaa Xaruntii Labaad oo le'eg 1,776 ft (541 m) iyadoo la furi doono sanadka 2011.

Khasaaraha Dhacay:-

Waxaa ku dhintay 2,993 qof oo ay ku jiraan 19 nin ee weerarka Fuliyay(Daaraha Newyork waxaa ku dhexdhintay 2,604-87qof ayaa Maraykan ka ahaa,Weerarkii Pentagon waxaa ku dhintay 125qof,Shanksvile waxaa ku dhintay 40qof dhamaantood Rayid ayay ahaayen marka laga reebo 55 ka tirsan Militaryga Maraykanka oo ku sugnaa Pantegon 24 qof ayaase gadaal ka soo raacay Dadka Dhintay waxaana ku dhaawacmay 6291 qof.

Osama Binladen:-

Hogaamiyaha Al-Qaeda ayaa shaaca ka qaaday Jihaad looga soo horjeedo Gaaladda Reer Galbeedka ah wuxuuna noqday Nin takooran oo lugweyn kula jira Diinta Islaamka isagoo qirtay Weeraro Dhawr ah oo lagu laayay Dad maraykan ah,Ha yeeshe Usama Binladen ayaa noqday nin aan la arkin oo ku dhuunta Dhulka buuralayda ah ee ku teedsan Xuduudaha Afghanistan iyo Pakistan.

November 2001 ayaa Ciidamadda Maraykanka Burburiyeen Guri wayn oo ku yaala Jalabab Afghanistan iyagoo Aaminsanaa inuu saldhig ku leeyahay Goobtaas ha yeeshe Maraykanka iyo Xulufadiisa Reer Galbeedku wali kuma Guuleysan soo Qabasashada Sheikh Osama Bilaaden oo u calaamaydaysan Reer Galbeedka iyo Maraykanka.

Faragelintii Afghanistan:-

Wax badan kama soo wareegin Markii Maraykanka uu faragelin Military ku sameeyay Dalka Afghanistan isagoo Doonaya inuu Araxda ka jabiyo Ururwaynaha "Daalibaan" taasi oo ka abuurantay weerarkii Argagixisanimo ee lagu Qaaday Daarihi Maraykanka Sep-11-2001.

Xulafadi NATO ayaa shaaciyay Dagaalka looga soo horjeedo Argagixisadda iyadoo Lugtii ugu horaysay la weeraray Afghanistan,Maamulkii Madaxweyne Bush ayaa isna Cambaareyn dusha uga Tuuray Falalka lagu weeraray Daarihi dhaadheera ee Americanka isagoo caadaystay Bush inuu Gumaado oo xasuuq ku faafiyo Umadi Muslimiinta ahayd ee Daganayd Afghanistan iyo Ciraaq.

 

Faragelintii Ciraaq:-

Bishii March 20-2003 ayaa waxaa bilaabmay Olole Milatary oo ay isku bahaysteen Dawlado Badan waxaana hormuud ka ahaa Americanka iyo Britain iyagoo ku andacoonaya inay Ciraaq halis ku tahay Amaanka dalalkooda waxayna tixraac ka dhigteen Hubka wax gumaada ee weapons of mass destruction (WMD) .

Faragelintii Reer Galbeedka oo ka abuurantay Cadaawadi 11-Sep ayaa waxay keentay in la qabto Hogaamiyihi Dalka Sadam Xuseen oo ay Daldaleen aakhirutaankii,Waxaana Faragelintii Ciraaq ku nafwaayay 85,000 Ciraaqiyiin Rayid ah oo Suni u badan iyadoo ay barakaceen sida lagu sheegay Qiyaasti ugu Dambaysay ee Q.M 2008 4.7 Million oo Qof.Faragelintii Ciraaq waxaa ka Dhashay in Dagaalku Ciraaq u xuubsiibto Dagaal Madhabta ku salaysan oo ay isku laynayaan Muslimiinta Ciraaq waxaana uu Maraykanku ka dabaakhtamayay Weeraradi Dhacay Sep-11.
 
By:Abdirashid Mohamed Dahir

webmaster@ceegaag.com