shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Riyaale "Siyaasadda waa laysku qabankaraa Balse wadahadal ayaan Diyaar u nahay".

(Hargeysa,  September 14,  2009 Ceegaag Online)

Maalin ka hor Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulka somaliland waxaa hareeyay rabshado iyo Buuq dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac dad rayid ah taasi oo timid markii Shacabka reer Hargeysa oo gadoodsan Mudaharaadyo Rabshado wata ka hor dhigeen Iridka hore ee Xarunta Wakiiladda S/land taasi oo dhalisay in Booliiska Rasaas ooda kaga qaadan ayna kalifto inay Dad ku dhintaan Halka kuwo kale oo ku dhaawacmayna wali lagu dabiibayo Cusbitaalka Hargeysa.

Hadaba Waxaa marki ugu horaysay Ka hadlay Xaalada ka socota Magaaladda Hargeysa ee maamulka Somaliland Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin isagoo Shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Hargeysa wuxuuna Marka hore ka hadlayaa Xasuuqi iyo Kacdoonki ka dhacay Hargeysa Maalin ka hor "Shacbiweynaha waxaan leeyahay xisbi kasta oo naga mid ah codbuu idinku leeyahay, laakiin inaad dhiigiina daadisaan idinkuma laha difaaca qaranimadeena ayuunbaynu dhiigeena u daadin karnaa. Waxaan leeyahay ‘arrintaasi [mudaharaadka] mid dadkeena lagu dago yay noqon. Dadweynaha waxaan leeyahay hareeraheena waxa ka shidmaya waynu ognahay, dadbaa halkaa aynu marayno u rafaadaya oo soo gaadhi la’a, innagu inaynu bedelno waa inaynu ka taxadirnaa. 1960-kii ayaynu ku biirnay Somaliya, 91-kii ayaynu ku dhawaaqnay Somaliland, sawirkeenu maalin uu ka fiicanyahay ma joogno. Wax kasta oo Somaliland kala tafaariiqaynaya inaan shacbiga loo sheegin oo aydaan dheg u raaricin ayaan idiin sheegayaa. Ayaan darro ayay noqonaysaa inagoo Somaliya kaga goosanay dhibaato ayaa naloo geystey, inaynu inaga gudaheenii waxaan loo jeedin u marno madaxtinimadda Maaha".

Madaxweyne Riyaale ayaa carabaabay in siyaasad ahaan La isku qabankaro balse loo baahanyahay in laga tanaasulo oo Miiska wadahadaladda la soo fariisto "Siyaasadda waa laysku qaban karaa,Waana laga wada hadli karaa , laakiin inaan cunfi u adegsano oo caruurteena lagu lu’gooyo waan ka talinayaa. Xukuumadu waa u diyaar khilaaf kasta oo jira in laga wada hadlo oo miiska laysugu yimaado, shi-guddoonku haday ii imanayaan albaabkaygu waa u furanyahay, diyaarna waan u ahay inaanu wada hadalno".

Dhaliisha ugu wayn ee loo jeedinayo Madaxweyne Riyaale waa Kursiga oo uu Hanti ka dhigtay isla markaasna waxaa lagu Eeedayaa inuu Dib u dhigay Doorashadda Madaxtinimadda Tiro ka dhawr jeer si uu Yoolkiisa shakhsi ahaaneed u gaaro hadaba waa kan isago oo arrintaasi ka hadlaya "Mar walba waxaa laga hadlaa madaxweynaha ayaa dorasho diidey, horta doorashaba anigaa bilaabay ee mudadii ku-meel-gaadhka aan ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal dhintay waxaan idhi ‘Somaliland doorasho ayay ku iibsamaysaa ee muddo la kordhiyo kuma iibsamayso. Dib-u-dhaca doorashooyinkaa waxaa laygu calaamadiyaa aniga, anigu ma keenin ee duruufaa keenay, maalin dhawayd anigu waxaan soo jeediyey inaynu toos u galo, waa la ogaa oo xisbiyaddaa diidey, waxa inoo yimi dad ajaanib ah oo yidhi ‘dib ha loo saxo’ xukuumaddu ta mar walba ogol wax kasta maslaxad u ah inay taageerto, anagoo ogol in dib loo saxo, hadii la sixi karo oo waxaanu ogolahay sidii ay deeq bixiyayaashu soo jeediyeen. Wakhti kasta oo dooorasho diyaar nnoo noqoto xukuumaduu waa u diyaar".

Isku soo wadda duubo waa markii ugu horaysay tan iyo Intii ay rabshaduhu ka dhaceen Magaaladda Hargeysa oo uu Madaxweyne Riyaale ka hadlo waxaana ilaa Maalintii shalay ahayd soo baxayay Baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo Garabyadda Siyaasadda ku kala Idlaaday ee Somaliland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com