shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab Khasaare gaystay oo ka da'ay Bariga Fog ee G/Karkaar.

(Qardho,  September 28,  2009 Ceegaag Online)

Roobab Khasaare gaystay ayaa ka da'ay Bariga fog ee Gobolka Karkaar ee Maamul Goboleedka Puntland,Roobabkani ayaa khasaaraha ka gaystay Deegaanka Dhudhub oo ku yaala Bariga fog ee Gobolkaani Karkaar sida uu Shabakadda Ceegaag Online u sheegay Gudoomiyaha Guddiga Xoolo dhaqatadda Gobolka Karkaar Faarax Maxamuud Ibraahim waxaa ku bakhtiyay Daadad iyo Fatahaado ka dhacay Deegaankaasi xoolo gaaraya 900 oo neef kuwaasi oo isugu jira Riyo iyo  Ido.
 
Warar Madaxbanaan oo aan helayno ayaa Sheegaya in Roobku sidoo kale qaatay saddex qof oo Biyo daad ah guryohooda ugu soo galeen isla markaasna laga soo reebay markii ay u gurmadeen dadka degan Tuuladda Dhudhub ee Bariga fog ee Gobolka karkaar waxaana hadda ka socda Deegaanadaasi Gurmad ay fulinayaan Hay'adaha Gargaarka ee ka hawlgala Deegaanadaasi,Ka dib roobabkaasi Khasaaraha Gaystay ayaa Maamulka Gobolka Karkaar wuxuu Guddi u saaray Musiibadii ka dhacday Deegaanadaasi waxaana Guddigaasi Gudoomiye u ahaa Talyaha Qeybta Biliiska ee Gobolka Karkaar waxaana Xubno ka ahaa,Gudoomiyaha Degmadda Beyla iyo Taliyaha Saldhiga ee Beylka,Guddiga xoolo dhaqatada Gobolka iyo Ururadda Daryeelka Bulshadda ee ka hawlgala Magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
 
Guddi loo saaray Khasaaraha Dhacay oo ka warbixiyay:-
 
Guddiga loo saaray Khasaaraha ay Gaysteen Roobabka ka da'ay Bariga fog ee Gobolka Karkaar ayaa ka warbixiyay Waxa ay kala kulmeen Goobti ay Tageen,Cali Ciise baab oo ah Madaxa Biliiska ee Gobolka Karkaar ahna Gudoomiyaha Guddiga loo saaray Dhibaatadaasi ayaa Maanta Kormeer kaga soo noqday Deegaanka Dhudhub ee Gobolka Karkaar ee Maamul Goboleedka Puntland wuxuuna uga waramay Shabakadda Ceegaag Online waxa uu kula kulmay Goobta"Bismilaah Raxmaani Raxiim,Runtii Safarkaygu wuxuu ahaa xog uruurin aan doonaynay in Guddigi loo saaray hawshaan ay xog kaga soo ururiyaan Dhibaatadda dhacday waxaan la kulmay xoolo bakhtiyay oo tiro ahaan Dhan 950 Neef oo xoolo ah oo waran Dooxadda Dhudhub,Runtii dadkii iska lahaa way cayroobeen oo waxba gacanta kuma aysan hayn anagana xogtii aan soo qaadnay waxay muujinaysaa Dhibaatadda Meesha ka dhacday Inta ay le'egtahay hadana Hay'ado ayaa Qeyb nagala Qaadanaya Dhibaatadda Dhacday".
 
"Waxaan ugu Baaqaynaa Hay'adaha Caalamiga ah inay nagala Qeybgalaan Gargaarka loo fidinayo Dadkaasi oo waxyeelo wayn run ahaanti ay soo gaartay waxaan ugu Baaqayaa Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa Samafalka ee ka hawlgala Puntland inay dadkaasi waxyeeloobay la soo gaaraan Gargaar Degdega oo cuno iyo Daawo ah,Biyihii roobka xitaa waxaa ka dhashay Xanuuno ay ka mid tahay Malaariyadda oo dadka ku dhacday" ayaa uu yiri Cali ciise baab Gudoomiyaha Guddiga loo saaray Musiibadaani.
 
Si kastaba ha ahaate ma aha markii ugu horaysay oo Roobab ka da'a Goboladda Puntland Khasaare heerkaan gaarsiisan Gaystaan hase ahaate waxaa la xasuustaa Roobkii loo yaqaanay"Barafle" oo Sanadkii 2004tii Cayreeyay Qoysas gaaraya 600 oo qoys oo ahaa Xoolo dhaqatadda Goboladda Puntland.Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com