shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Golaha Guurtida M/Sland oo Maalintii Labaad ka doodaya Muddo Kordhinta Madaxweyne Riyaale iyo K/xigeenkiisa.

(Hargaysa,  September 25,  2009 Ceegaag Online)

Golaha Guurtida Maamulka Somaliland ayaa Maalintii Labaad fadhi ka yeeshay Xaaladaha Ka taagaan Somaliland gaar ahaan sidii Ay Guurtidu uga Doodi lahaayen Muddo kordhin kale oo loo sameeyo Madaxweyne Riyaale iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay si adag iminka uga soo horjeedaan Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee KULMIYE & UCID.
 
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Gaal ayaa Hadalka u furay Golaha Guurtida maanta wuxuuna yiri "Maalintii sabtida Golaha waxa ka jiray buuq, sawaxan iyo qas, markaa waxaan jecelahay intaynaan hawlo qaran u gudbin inagu sidii aynu xilkeena u gudan lahayn (Guurti ahaan), aynu meel isla dhigno, hadii inaga (Guurtida) uu golaheenu noqdo fawdo cidna uma talin karno.Waynu og-nahay oo wax badan ayaa jira, waxaynu la soconaa in khilaaf jiro, khilaafkaas innaga Guurti ahaan waa ina saameeyay ee ha qarsanina, waynu midownay oo Axsaabta aynu dhex u ahaano ayaynu go’aan ku gaadhnay, oo tiraba laba jeer bil gudaheed ku gaadhnay, waxaad moodaa in aanay waxba inaga tarin, bal haddaba waxaan leeyahay dhaqanka waajibkii xilka Umadda inaga saarnaa aan ku gudano oo inaga Guurti ahaan aynu isla helno talaabada."
 
Saleebaan Gaal wuxuu Golaha sidoo kale uga Warbixiyay Wakhtiga iyo Mudo kordhinta wuxuuna yiri " Arintaa qudha ee Goluhu u furnaa ee kalfadhiga aan caadi ahayn u qaadanay waa muddada xilka Daahir Riyaale iyo Ku-xigeenkiisa oo ah 27-ka September, arintaa iyada ah hadii waajibka aynu ku leenahay aynu ka gudan wayno qaskaa Golaha ka dhacaaya ayaa qarankana ka dhacaaya, taasina waa waajib inaga saaran in aanay dhicin dhawr jeer oo horena waan sheegay oo Axsaabtu wax ha ku heshiiso, laakiin waajibkaasi waa mid Dastuuri ah.Arintaa iyada ah oo mudadu tahay 27-ka ilaa barito waxa ka hadhay afar cisho oo kaliya, waxaynu gudo gelaynaa barito oo bilaabmayaa, waana in ay ku dhammaato inta ka horaysa 27-ka September."
 
Si kastaba ha ahaate Fadhigi ay Maanta yeesheen Golaha Guurtida Somaliland ayaa lagu kala kacay Maadaama aanu wakhtigu u saamixin inay Dooda soo afjaraan Isla maanta waxaana lagu Balamay in Maalinimada Berrito ah Dib la isugu soo laabto Waxaana Goobta sidoo kale ka hadlay Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golaha sida G/ku xigeenka Guurtida Sheekh Axmed Sh.Nuux Fure.
 

Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com