shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mashruuca Afurka Ceegaag oo si habsami leh uga socda Degmada Ceegaag.

 (Ceegaag, September 10,  2009 Ceegaag Online) 

Iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan  isla markaana  ah  bisha ugu kheyrka badana bilaha  ayaa waxaa sanadkii 2aad Degmada Ceegaag laga hirgaliyay Mashruuc loogu magacdaray “ Mashruuca Afurka Ceegaag” oo ay fuliyeen Qurbajoogta Deegaankaasi.

Mashruucan oo sanadkii hore ahaa mid tijaabo ah ayaa waxaa sanadkan labalaabmay tiradii qurbo joogta ee ka qeyb qaadaneysay Mashruucaas iyadoo sanadkan lagu guuleystay in la afuriyo dhamaan dadweynaha dagan Magaalada Ceegaag iyo Reer Guuraaga ku dhaw magaalada.

Mashruucan oo ah Mashruuc khayriya ayaa dadweynaha ku nool Deegaankaasi wax weyn ka tahay Nolo maalmeedkooda iyadoo sida aan ognahay hada ay ka jiraan Deegaankaas Abaaro ba’an oo aan xiligan u saamaxeyn dadka Danyarta ah ee xooluhu ka baxeen in ay quudiyaan maatadooda iyo dadkooda waayeelka ah.

Mashruucan ayaa loo qeybiyay sadex qeybood oo lagu jaangooyay 30-ka casho ee ay ka koobantahay bisha barakeysan ee Ramadaan iyo Maalinta CIIDA ayaa Qurjo joogto Degmada Ceegaag ay kaalin mug leh ka qaateen socodsiinta barnaamijkan iyagoo ku deeqay gabi ahaanba dhaqaalaha ku baxay mashruucan

Daawo Sawirada

 

webmaster@ceegaag.com