shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Machadka Qur’aanxafidka ee Haji Ali Abokor oo laga hirgaliyay Degmada Ceegaag.

(Ceegaag,  September 20,  2009 Ceegaag Online)

Machadka Xafidka Qur’aanka ee Haji Ali Abokor oo laga hirgaliyay Magaalada Ceegaag ayaa gabo gabo ku dhaw iyadoo hadda gacanta lagu hayo qaybtii ugu danbaysay dhawaana xadhiga laga jaridoono.

Sida uu noo xaqiijiyay Howlwadeenka Qurbaha ee Machadka Maxamed Axmed Ali Abokor Machadka waxaa ku baxaya aduun dhan $20,000 US dollar. Oo isugu jira qarashka dhismaha iyo qalabeyntiisa.

Machadkan oo ka kooban 4 qol, 2 musqulood iyo Barkad ayaa hirgalintiisa waxaa iska kaashaday Qoyska Reer Xaaji Cali Abokor, Manhajka Machadkan ayaa ka koobnaandoona Xifdiska Qur’aanka Kariimka ah, Maadada Carabiga ah, iyo Akhlaaqwanaaga Tarbiyada Diinta Islamka.

Machadkan ayaa lagu wadaa in la furo Badhtamaha Bisha Octobar ee nagu soo fooleh.

Daawo Sawiradda


 

webmaster@ceegaag.com