shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bur burkii maamulka Maakhir yaa horseeday Gen. Ilkajiir? mise Jibriil Cali Salaad?

   (G.Sanaag, September 04,  2009 Ceegaag Online) 

Alla Subaaxaanahu waa tacaalaa ayaa mahad naq iska leh ii suura galiyay inuu Maqaalkani ka soo maaxdo Maskaxdayda, aniga oo jecel inaan wax yar ku iftiimiyo waxyaalihii ka danbeeyay inay si yar cagaha dhulka ugu dhufto Maamulkii Maakhir.

Waxay ahayd Maskax Fiiyaw markii dad aqoonyahno ahi isu keeneen feker  Caafimaad qaba kaasi oo ka danbeeyay Abuuri taankii Dawladii Maakhir, iyaga oo kaashanaya Siyaasiyiin aqoon durugsan u leh hagitaanka Hanaan Maamul.

Maakhir waxaa ahayd firker kasoo guuxeysey maskaxda wax garadka Beesha Warsangeli ee degta Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari isla markaana lagu baadi doonayo magacii soo jireenka ahaa ee ay reer Maakhir lahaayeen ee ay ahayd Ilbaxnimada Maakhir.

Kadib wada tashi kooban ayaa waxaa meel la isla dhigey in Hogaamiye Maamulkaasi loogu doorto Coll Jibriil Cali Salaad Halka Gudoomiye Baarlamaan loo doortay Eng Guure Xaaji Aadan.

1da LUULYO 2007 {GUJI HALKAN] oo ah maalinta Midowga Labada Soomaaliyeed iyo xornimada Koonfurta ayaa maamulkii lagaga dhaqaaqey magaalada Badhan iyadoo damaashaad iyo calankii CAWAALE la taagey kaas oo aan ka taagneyn Sanaag tan iyo intii burburkii dowlada Dhexe.

Dhawor Bilood ka dib oo laga sugayey inuu taaba geliyo sugida Amaanka Gobolka ayaa durbaba waxaa soo shaac baxay in hindisayaashaasi aysan soo dhaafeyn miiska iyadoo uu hogaankii uu daba maray wax garadka reer Maakhir ugu tunka waaweyn isla markaana ay taasi keentey in hidise kasta uusan miiska ka dhaqaaqin.

 

Astaantii Maamulka Maakhir ee Somalia

 

Fikirka Maakhir ayaa noqday sidii Dayax ku jira habeenkii 15- isla markaana dhamaan dadweynaha reer Maakhir ay aad u taageereen iyagoo baaqyo badan soo direy gaar ahaan kuwooda dibada jooga isla markaana si lama filaan ah loo soo dhoweeyey.

Shirar badan ayay Isugu yimaadeen Jaliyada dibada ee Reer Maakhir ayaa waxaa lagu lafa gurey sidii maamulka loo taageeri lahaa isla markaana cudud dhaqaale loo siin lahaa laakinse mushkiladu waxay ahayd shaki jira, kaas oo laga qabey hogaanka sare ee maamulka oo looga shakisanaa inuusan kasoo bixi kareyn wadida maamulka.

 

 
 

Calan Goboleedkii Maakhir

 

Hase yeeshee iyadoo ay sidaasi tahey ayaa waxaa dhacdey in qurbo joog badani ay dhaqaale ugu deeqeen maamulka iyadoo dhaqaalahaasi aan la garaneyn meesha ay ku bexeen.

Sababta ugu weyn ee ay Qurbo joogtu ugu deeqeen dhaqaalaha waxay ahayd dareenkooda ku aadan baahida loo qabey in deegaanka Reer Maakhir uu maamul yeesho isla markaana ay taasi ugu muuqatey arin Muqadas ah.

Culeyska saarnaa qurba joogta ayaa waxa uu ahaa iyagoo kharash iyo dhaqaale ugu deeqey Dibu dhiskii Dekeda Laasqoray isla markaana ay xubno ka tirsan qurbo joogtu ay ugu baaqeen maamulka Maakhir ee la iclaamiyey inuu si cad u taageero dibu dhiska dekeda.

Inkastoo ay Jireen Koox Yar oo diidanaa Fekerkaasi Horseeday dhismaha Maakhir hadan markasta waxa laysku dayay in lagu soo daro u Ololaynta Taaba Galinta iyo dhaajinta Maamulka, Siyaasiyiinta qaarkood ayaa Lugaha kula Jiray Maamulada Hareeraha sida Pl iyo S/land taasina waxay Caqabad wayn ku Noqotay inuu dhabada sii hayo Maamulka la iclaamiyey ee Maakhir.

Dad Fara ku tiris ah ayaa Majaraha u hayay qaabkii loo dumin lahaa Maamulkaasi kuwaasi oo kaashanayay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulada Hareeraha Hadhuub wadaaga la ah, iyaga oo uga Faa iidaysana Xilalka ay markaasi ka hayeen Maamuladaasi.

Kooxaha diidanaa Yagliilada Maamulka Maakhir ayaa qaarkood ku Andacoonayeen inaanay suura gal ahayn in laga Go” Maamulka Puntland oo 1998-Agust, awood qaybsigaasi lagaga mid ahaa, Hase ahaatee Axdiga Dawlada Federaalka ah ee lagu saxeexay Kenya 2004- ayaa qeexaya in Dalka laga Hir galin karo Nidaam Federaali ah taasina ay ku tusinayso Hir galinta Maamulka Maakhir.

Si Kastaba Xaalku ha Noqdee iclaamintii Maamulkii Maakhir ayaa waxaa uu ka muuqdey mid aan kasoo kicin miiska isla markaana ragii maamulka u hayey ay ka gaabsadeen wadida iyo kicinta maamulka waxaana tusaale kuugu filan in Jibrell Cali Salaad oo ku magcawnaa hogaamiyaha maamulka uu u kicitimey Baydhabo isagoo aan ciidamo iyo dowlad u shaqeysa aysanba jirin!.

Taas waxaa dheeraa Mucaaradkaasi ka mid ahi ay wadeen Ajandayaal kale oo ay ugu waynayd in aan wax Maamul ahiba ka  hir galin Gobolka si Ninba Ceelka Meesha uu soo gaadho uga Darsado Kooba haday ahaan lahayd Khayraadka iyo hadii kaliba.

Waxa jira Koox sadexaad oo Mucaarad ah hase ahaatee kuwaasi ka Feker duwaan iyaga oo Aminsanaa hadaf ah in hadii Gooni Bulshada Reer Sanaag isu taagto ay dhimanayaan ama ay waayayaan Mushaharooyinka iyo Gunooyinka laga qaato Maamulada Hareeraha. Isla markaana ay Dhexda dhiisha is kaga dhigeen qaabkii Lugaha Loogu siibi lahaa Maamulka Maakhir.

Sanad  iyo Badh ka dib ayaa waxa dibada Olale balaadhan oo Ruxay dhamaan Bulshada Reer Sanaag ka Bilaabay General C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir waxan uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Hogaaminta Puntland, Buslahda ayaa dhamaan SHirar badan la qaadatay wakhtigaasi Musharax Ilka Jiir isaga oo u soo bandhigay qorshe ah in lagu taageero Hadafka ah Musharaxnimda Puntland.

Lama oran karayo Sharaxaadii Ilka jiir ayaa horseedey kicitin la'aankii Maamulka Maakhir, iyadoo marka Ilkajir uu isa soo sharaxayo Maakhir waxay ahayd arin aan miiska kasoo kicin iyadoo ninkii madaxweynaha ugu magcawnaa uu Baydhoba Cabdullahi Yusuf marba balan ka sugayaa!

Bulshadii markey aragtay dhicista maamulka Maakhir ayaa waxaa la gudboonaatey iney isu raacaan taageerida General Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajir isla markaana isaga ka sugayey Maakhir ama Puntland

Horaantii Bishii August ee sanadka 2008- ayaa General Ika Jiir lagu soo dhaweeyay Gudaha gobolka isaga oo Ugu horayn Booqday Degmada Dhahar kulana Kulmay Odayaasha iyo dhamaan umada reer Dhaharood uu Ilkajiir uga hortegey Tuulada Sheerbi oo dhanka Bari ka xigta Dhahar oo u jirta 45km oo laamigana ku taala.

Dhahar ayaa waxay tustey Ilkajiir sida ay dadku u taageersan yihiin iyagoo hubkoodii, ciidankoodii iyo wiilashoodii ku wareejiyey General Ilkajiir oo dareemey qaabka wanaagsan ay dhahar u soo dhoweysey      {eeg halakan}

Ka hor intuusan Generaalku iman Sanaag iyo Bari ayaa waxa uu lasoo shirey qurbo joogta, USA, UK iyo Europe oo wada socda iyo Jaaliyada Carabta oo isku urursatey Emaaraadka.

Dhamaantoodna waxay ku taageereen Ilkajiir inuu dalkii tago, amniga wax ka qabto, horumarinta wax ka qabto isla markaana ay iyaguna la garab taagan yihiin hiil iyo hoo.[Eeg halakan, iyo halakan}

Waftigii General Ilka Jiir ayaa ka dhega adayg Talo soo Jiidintaasi isaga oo u Gudbay Degmada Dhahar, ugana sii Gudbay, Ceelbuh, Xingalool, Dawoco, Damalla-Xagare, Carmale, Hadaaftimo, Yubbe, iyo Badhan.

U ololaynta Musharax Ilka Jiir MAYSAN Niyad Jabisay CIDNA sababtoo ah qorshuhu waxa uu ahaa in hadii Puntland la waayo, saamiga laga rabona laga waayo iney Maakhir dib looga dhawaajiyo.

Intii uu General Ilkajiir ku sugnaa Maakhir waxa uu dhisey maleeshiyo beeleed adag oo mideysan iyadoo maleeshiyaadkii Somaliland biilka ka qaadan jirey usoo duway dhinaca Puntland.

Maamulka Ilkajiir ee Sanaag waxa ku guuleystey joojinta dhuxusha iyo jarida dhirta, waxa uu dhisey 8 Control oo lagu sugayo amniga, waxaa dhacdey in canshuurta markii ugu horeyso laga qaado Sanaag iyadoo xafiiska wasaarada Maaliyada ee Puntland laga furey Badhan.

Bishii December e 2008 ayaa magaalada Garoowe waxaa galey General Ilkajiir iyo ciidamadiisa ku gaashaan baabuurta dagaalka iyadoo uu kasoo anbo baxay magaalada Bosaaso oo intuu joogey ay uu wax badan ka qabtey amnigeeda isla markaana controlka LAAG ee afka hore ee Bosaaso uu dhigey ciidamadiisa kadib heshiiska dagaalkii beelaha Laag dega iyo Beesha C/raxiim ee Majeerteen.

Generalka ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey Qardho, waxana uu uga sii gudbey Garoowe iyadoo ay gelbinayaan baabuur gaareysay 75 gaari oo ciidan iyo taageerayaal isugu jiraan.

Generalka ayaa waxa uu ahaa raiyada Reer Maakhir iyo Reer Puntland oo idil kadib waayo shacbiyad weyn ayuu ka haystey Bulshada oo idil.

Bishu markey ahayd 8da bisha 1aad ee sanadkan dhamaan raba e 2009 ayaa waxaa magaalada Garoowe ka dhacay doorashooyinkii Puntland isla markaana si lama filaan ah waxaa doorashada ku guuleystey Dr Cabduraxman Faroole isla markaana ku xigeenkiisa waxa aloo doortey Cabdisamad Cali Shire oo reer Sool ah.

Natiijada Doorashada ayaa waxay ahayd lama filaan iyadoo ay markhaanti noqonayaan dadkii ku sugnaa Garoowe maalintaas waayo waxaa xusid badan in magaalada iyadoo uusan wareegii 1aad ee doorashadu uusan bilaaban lasoo geshey magaalada inuu Faroole madaxweyne noqdey isla markaana dadkii la kacashey.

Dabcan ka hadli mayno wixii dhacay maalintaas hase yeeshee waa mawduuc la xiriira arinta Maakhir ee dhicisowdey.

9kii bisha oo ku beegneyd maalin Jimce ah ayaa waxaa wax garadka reer Maakhir ee ku sugnaa magaalada Garowe ay yeesheen shir iyadoo shirkaasi lagaga hadley mustaqbalka iyo ayaaha reerka kadib doorashooyinka.

3[Sadex qodob] ayaa meesha tiiley iyadoo Suldaanka guud ee Beesha Warsangeli uu ku sugnaa ayna weheliyeen garaadada iyo ugaasyada beesha, qodobadaas ayaa waxaa ka mid ahaa.

  • IN Badhan dib loogu noqdo oo goobtan [Garowe] la isaga tago oo Maakhir dib loo soo dhiso.
  • In la sugo oo madaxweynaha cusub laga war sugo.
  • iyo in Gudi arimahan qaban qaabisa la xulo.

Isla markiiba waxaa la isku waafaqey in guul darada doorashada aysan hada dhicin e ay dhacdey MARKII PUNTLAND LA DHISEY sababna looga dhigey tirada xildhibaanada lasiiyey beesha Warsangeli iyadoo ay cadaatey in Dhamaan xildhibnaada beesha Majeerteen iyo Dhulbahante ay u codeeyeen Faroole isla markaana ay ilma Harti ka hiiliyeen Moorasaante.

Sidaa awgeed waxaa loo bedelay qorshaha shirka sidatan.

  • In Maamulka laga qeyb galo oo Shardigan oo keliya looga qeyb galo kaas oo ah In Waxay mudneyd beeshu hesho oo maamulka cusub ka hesho, taas oo ah in sadex meelood meel ama 1/3 ay beesha Warsangeli mudan tahey, taas oo macneheedu ahay in beeshu tahey tan 2aad ee ugu tunka weyn Puntland tiro iyo deegaanba isla markaana ay mudantahey intaas loo tix geliyo.
  • Hadii aysan taasi dhicin, Balanteenu Waa Badhan ayaa lagu heshiiyey
  • In  General Ilka Jiir yahay HOGAANKA SARE EE SIYAASADEED EE beesha.

Qurba joogta oo shirka ugu jirtey qaabka taleefanka ayaa iyagu waxay kusoo taliyeen in goobta laga saaro in Ilkajiir xil qabto iyadoo looga fadhiyo inuu SANAAG IYO BARI hagaajiyo oo uu banaanka ka joogo maamulka Faroole.

Beeshu Ilkajiir waxay u dooratey inuu yahay hogaanka siyaasadeed ee reer Maakhir isla markaana markii xilka loo magcaabey[wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose] aad baa looga caroodey hase yeeshee waxaa la isku waafaqsanaa inaan la daba marin hogaanka beesha oo sidaa loo daayo.

Waxaa kasoo wareegtey magcaabistii Ilka jir wax ka badan 8 Bilood iyadoo uusan tegi dalkii marka laga reebo Laasqoray oo bishii 4aad uu gaarey arintii burcada awgeed.

Waxaa halkaa iyaduna mar 2aad ku luuntey ama dhicisoodey riyadii Reer Maakhir iyadoo ninkii loo doortey Hogaanka siyaasada beesha uusan u dhaqaaqin Deegaankii uu kasoo jeedey oo Abaaro iyo amni xumo dhaceen iyadoo burcadii ay Saldhig ka dhigatey Gacan oo u dhow Laasqoray.

Ilkajiir waxaa cadaatey inuu Wasiir u noqdey beelaha Gaalkacayo iyo kuwa Igdhays ku legdemaya isla markaana uusan  wasiir u aheyn beeshii soo dooratey  waayo maamulka Puntland waxa uu ku dhisan yahay qaab beeleed.

Guntii iyo Gaba Gabadii waxaa mudan in la xuso ujeedada ugu weyn ee loogu riyoodey maamul dhisida Maakhir inuu ahaa sidii deegaan Maakhir loo horu marin lahaa isla markaana laga hirgelin lahaa maamul wanaagsan oo tayo adag leh, kaasoo horseedaya barwaaqo iyo nabad waarta.

Waxaa gunaanad ah in Riyadii beesha Maakhir ay dileen oo cidla kaga dhaqaaqeen labada ASKARI ee Ina Cali salaad oo Hargeysa iyo Ceebuh u dhexeeya iyo Ina Axmed Jaamac Mataan oo Panorama Hotel ee Bosaaso dhaafi waayey haduu safrona uga ambo baxa Ufeyn iyo Garowe inta u dhexeysa.

Tolweyne haduu fikrad hayo kusoo beeg emailkan hoos ku qoran.

Qalinkii C/laahi Wacays.

Cigaal101934@hotmail.com

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com