shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaaladihi ugu Dambeeyay ee Magaaladda Kismaayo ee Gobolka J/hoose(Dhagayso).

(Kismaayo,  September 28,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose Koonfurta Somalia ayaa maalmihi ugu dambeeyay waxaa ka jiray Khilaaf dhanka awooda ah oo u dhexeeyay Maamuladi Islaamiga ahaa ee ka arriminayay Magaaladda Kismaayo Bilihi ugu Dambeeyay,Khilaafka ayaa soo shaacbaxay markii Saddex berri ka hor Maamulkii ka arriminayay Kismaayo uu sheegay inay Hoostagaan Alshabaab hase yeeshe taasi waxaa ka soo horjeestay Kooxaha Raasakaambooni iyo Caanoole oo la sheego inay awood wayn ku leeyihiin Magaaladda Kismaayo gaar ahaan wadaadka Mayalka adag ee Xasan Turki.
 
Xasan Turki ayaa ka soo horjeestay Maamulkaasi Kismaayo isla markaasna waxaa uu u jihaystay Kismaayo Maalinti Jimcaha ahayd ee la soo dhaafay,Xasan Turki iyo ciidamadiisa ayaa Galay Magaaladda Kismaayo Shalay Gelinkii Dambe iyadoona ay Magaaladda isaga bexeen Maamulkii ka amar qaadan Jiray Alshabaab oo hadda ku sugan Duleedka Kismaayo
Lama oga xaalada Kismaayo sida ay noqon doonto hase ahaate sadaal fog ayaa laga bixin karaa Dagaal dhexmara Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo isu Mindiya lisanaya.
 
C/rashiid Maxamed Xidig waa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee DKMG ah ee somalia isgoo waraysi Gaara siinayay Shabakadda warbaahineed ee Ceegaag Online ayaa uu soo dhaweeyay talaabadda ay alshabaab kaga baxday magaaladda Kismaayo inkastoo aanu carabaabin sababta Dhabta ah ee ay xaaladaha Kismaayo ku biyo shubanayso,Dhanka Afhayeenki Maamulka Kismaayo ayaa la hadlay Shabakadan wuxuuna sheegay in Shakhsiyaad gaar ah ay masuul ka noqon karaan Dagaal ka dhaca Kismaayo isagoo Ganafka ku dhuftay Suurto Galnimadda Dagaalo Qarxa.
 
 
Halkaan ka Dhagayso Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha DKMG ah oo ka hadlaya Xaalada Kismaayo:- Dhagayaso
 
Halkaan ka Dhagayso Afhayeenki Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheikh Xasan Yacquub cali:- Dhagayso
 
 
Abdirashid Mohamed-Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com