shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijka Kediska Ceegaag Online ee Bisha Barakaysan ee RAMADAN(Q.2aad).

(Ceegaag,  Sep 11,  2009 Ceegaag Online)

 

Barnaamijka Kediska Ceegaag Online waa Todobaadki labaad ee aan soo bandhigno inta lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramadan waxaana Todobaadkan ku eegaynaa Xubintii Ma ogtahay oo ah qaybta aan ugu talo galnay inay ka faa'idaystaan Akhristayaasha Sharafta leh ee Ceegaag Online inagoo qeybta kalena ku eegaynaa Su'aalo ah Kaasho Maankaaga oo ay ka jawaabayaan Akhristayaashu.

 

Qeybta 1aad-Ma Ogtahay?.

 

1-Ma ogtahay Akhristaw in Dagaalkii ugu Dheera Dunida uu socday 105-Sano uuna u dhexeeyay Wadamadda England iyo France.

 

2- Ma ogtahay Akhristaw in Ninkii Hogaaminayay Ciidamaddi Portugal ee Jabiyay Halgankii axmed guray uu ahaa Ninka lagu Magacaabo Christopher Digamma.

 

3-Ma Ogtahay in Dadka somaliyed ay Hormuud haweenka Halgankooda Ugu horaysay Xaawo Taako.

 

4- Ma ogtahay Akhristaw Sirhayihi Nabiga NNKH lagu Magacaabi Jiray Jacfar binu Yamaama.

5-Ma Ogtahay akhristaw in Dagaalki u dhaxeeyay Wadamadda Talyaaniga iyo Itoobiya loo Yaqaanay Odowa isla markaana uu dhacay bishii October sanadkii 1935.

6- Ma ogtahay Akhristaw in Malaga Ilaahay u Wakiishay Roobka uu yahay Miikaa’iil Calayhi Salaam.

7- Ma ogtahay Akhristaw in wadanka ugu soo saarida Badan  Caalamka Mooska uu yahay Ecuador.

 

8- Ma ogtahay Akhristaw in Dekedda Pear Harbour Tahay Dekedi uu Duqaynta u gaystay Wadanka Jarmalka sanadkii 1941

 

9- Ma ogtahay Akhristaw in Laanta Afsomaliga ee BBC la asaasay sanadkii 1957 halka Qaybta ku hadasha Luuqadaha Badan la asaasay 1927.

 

10- Ma ogtahay Akhristaw in Ururka Xamaaz ee Mujahidiinta Reer Falastiin uu asaasay Sheik Axmed Yaasiin oo ahaa Sheikh Caan ka ahaa Wadankaasi Barakaysan ee Yuhuuda Nacaladuhu laahi Haystaan.

 

11- Ma ogtahay Akhristaw in Hogaamiyaha ugu xukunka Dheera Qaaradda Afrika uu yahay Ibrahim Bango Madaxweynaha Geeriyooday 7/6/2009 ee Gaaboon.

 

12-Ma ogtahay Akhristaw in Maraykanka uu ka jiro Laba Xizbi Siyaasadeed oo kala ah Jamhuuri iyo Demoqraadi haatana waxaa Taladda Haya Xizbiga Democracy oo uu hormuud ka yahay BARACK OBAMA.

13- Ma ogtahay Akhristaw in June 8, 2007 Madaxweynihi ugu Horeeyay Somalia Halyay Aadan Cabdule Cismaan ayaa ku Geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

 

14- Ma ogtahay Akhristaw in 5-June-2007 uu Markii ugu Horaysay Somalia Tagay Raisalwasaaraha Itoobiya oo Ciidmadiisu Taagerayen Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Malez Zenawi.

 

15- Ma ogtahay Akhristaw in 1976-La asaasay Xizbiga Hantiwadaaga Kacaanka Somaaliyeed.

 

16- Ma ogtahay Akhristaw in 9/April/1978 waxaa Dhicisobay Inqilaab la doonayay in lagu Rido Xukuumaddi Maxamed siyaad Bare waxaana Inqilaabka ka dib la Toogtay 17-Nin.

 

17- Ma ogtahay Akhristaw in Sir Isaaq Newton uu helay Systemkii ahaa NEWTONS FIRST LOW OF MOTION,TWO,THIRD-ahna Culayska Cufasjidadka.

 

18- Ma ogtahay Akhristaw in Cudurka looyaqaan Busbuska uu sababo Viruska Caanka ah ee SMAL BOX,CHECK BOX.

 

19- Ma ogtahay Akhristaw in Dalka ugu dadka badan dunida uu yahay dalka CHINA.

 

20- Ma ogtahay Akhristoow In Wadanka Brazil qaaday Koobka Aduunka 5 jeer

 

Ka jawaab Su'aalahan (Kaasho Maankaaga).
 

Todobaadkan waa 5 su'aalood oo aad ka jawaabaysaan:-

1-Sheeg Maalintii,Bishii iyo Sanadkii Magaaladda Muqdisho ee caasimadda somalia lagu toogtay 10 kii Culimadda soomaaliyeed ee xukuumaddi Siyaad barre ku dishay sharci daradda(sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil) hadaba Sheeg taariikhdaas aan kor ku soo xusnay?.


2-Sheeg Lakabka ku jira Hawadda sare ee Falaaraha Qoraxda ka difaacadda Dhulka oogadiisa(Ultra Violet Radiation)?.

3-Intii lagu jiray Dagaalki reer Yurub ee Bariga Fog (Far East) Qeybna ka ahaa Dagaalkii Koowaad ee Aduunka Dawladda Germany ayaa iibsatay Jasiiradda Caroline(Caroline Island) hadaba Yay ka iibsatay? Sanadkee bay iibsatay?Qiime lacageed oo intii dhan bayna sii satay?.

4-Sheeg ninkii soo saaray Maadada(Curiyaha)  Sodium(Sodium Element) iyo Sanadkii uu soo saaray?.

5-Sheeg labadi gobol ee ay isku haysteen Dawladaha France iyo Germany intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Dunida?.

F.G:Akhristayaasha ka jawaaba Su’aalaha Barnaamijka Kediska Ceegaag Online waxay ku soo diri karaan Cinwaankan ceegaag@hotmail.com waana Qeybtii Labaaad inagoo Todobaadki hore soo bandhignay ayaa waxaa ka so jawaabay 6 Lix mahad Gaara ayaan u jeedinaynaa.

Ku soo dir Jawaabahaaga ceegaag@hotmail.com
 
Abdirashid Mohamed Dahir
Ceegaag Online-Somalia Office

 

 

webmaster@ceegaag.com