shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jabhadda ONLF oo warmurtiyeed ka soo saartay Dad ka soo jeeda Kililka 5aad ee Itoobiya oo lagu xirxiray Magaaladda Bosaso.

(Boosaaso,  September 24,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maalinimadi Shalay ahayd lagu xirxiray Magaaladda Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari Dad aad u farabadan oo ku jiray Xeradda Qaxootiga ee Tuulo Absame oo ah xero ay deganyihiin Dadka ka soo barakacay Gumaadka ay Itoobiya ku hayso Shacabka Soomaali Galbeed (Ogadenya),Dadkan la qabqabtay ayaa Dhamaantood isku isir ahaa waxayna isugu jireen,Dhalinyaro iyo Haween,Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Biliiska Magaaladda Bosaso Dadkaani ayaa lala xiriirinaya inay wax ka maleegen Qorshayaal dhawr ah oo lagu dilay saddex nin oo ka soo jeeda Kililka 5aad ee Itoobiya kuwaasi oo muddo saddex todobaad gudohood ah lagu Dilay Magaaladda Bosaso.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cismaan Xassan Cawke ayaa Warfidiyeenada Maanta u sheegay in Dhamaan dadka lagu dilay Bosaso ay deganaayen Xerada Qaxootiga ee Tuulo Absame isla markaasna ay dileen Dad ay isku hayb yihiin oo la degan Xeradda taasina buu yiri Talyuhu ay tahay Ujeedka aan u soo qabqabanay Dadkaani u badan Dhalinyarada,mar wax laga waydiiyay Sababta ay haweenka u hayaan ayaa uu sheegay inay Haweenku Rabsho ka sameeyen Bosaso isla markaasna ay hadda sii daynayaan oo ay fasaxanyihiin.

Gashaanle Cawke wuxuu intaasi ku daray in aanay iska soo xirxirin Dadkaani ee ay la kaashadeen Odayaasha iyo Nabadoonadda Xeradda Xaqootiga ee Tuulo Absame si buu yiri loo sugo Amaanka Dadkaasi oo khatar ku jiray Beryihii ugu Dambeeyay.

Si kastaba ha ahaate Magaaladda Boosaaso ayaa ah goob aad u cufan oo ay ku nool yihiin aad u farabadan oo u kasoo kala jeeda,Kililka 5aad ee Itoobiya,Koonfurta Somalia,Waqooyi bari Kenya iyo Qowmiyadda oromadda Kuwaasi oo dhamaantood xoogooda Maala si ay uga shaqaystaan magaaladda iyagoo raadinaya Nololmaalmeedkooda doonayana inay Helaan Gabaad Nabadgelyo oo ay Puntland u soo raadsadeen.

Warmurtiyeedka ONLF:-

Jabhadda Gobanimo doonka Shacabka Somali Galbeed ONLF ayaa Maanta oo Khamiis ah Warmurtiyeed ka soo saartay Dadki ay shalay ku xirxireen Magaaladda Boosaaso Ciidamadda Booliiska ee Puntland waxaana Warsaxaafadeedkan oo la soo gaarsiiyay Shabakadda Ceegaag Online u qornaa Sidatan:-

Waxaa magaalada Boosaaso maalmihii ay dadka muslimiinta ah u dabaal-dagayeen farxdda ciidul-fitriga lagu xidh-xidhay dad farabadan oo si isir raac ah looga soo qab-qabtay guryahoodii. Dadkaas la soo xidh-xidhay waxay ka soo carareen gumaadka gumeysiga Itoobiya ay ku hayso dadka dulman ee Ogadenya, iyaga oo miciin mooday walaalahooda Puntland. Ma ayna filaynin marnaba in dhibaatadii ay ka soo carareen mid la mid ah ay ku qabsanayso Puntland, iyadoo ayna jirin sabab keeni in la dhibaateeyo, haddii ayna ahayn in lagu raali gelinayo Taliska Addis Abab ee dhiiga shacabka Somalida Ogadenya ku naaxay.

Waxaa in muddo ah soo noq-noqonaayey inay xukuumadda Puntland gabood falo ka dhan ah xuquul aadamaha kula kacaysay dadka masaakiinta ah ee soo magan galay. Waa lala socdaa qaar dadkan soo magan galay cadowga loo dhiibay oon maanta meel ay ku sugan yihiin la ogayn. Waxaa in muddo ahba lala beegsanayay dadkaa soo qaxay dil qorshaysan oo nabad sugidda Itoobiya oo Gobolka si weyn uga hawlgelaysa ay ka dambayeen. Waxaa nasiib darra ah in markastoo dil noocaas ah uu dhoco dhibaato loo gaysto dadweynihii soo qaxay ee ahaa kuwii dadka laga dilay.

Meeshii la baari lahaa cidda falalkaa fulinaysa ayay xukuumadda Puntland la beegsatay xasuuq aan loo kala aaba yeelin caruur iyo waayeel iyo rag iyo dumar iyadoo weliba qaar ay xabsiga ku dhinteen. Waxaan u aragnaa in lagu xad-gudbay xuquuqda caalamaiga ah ee nabad-galinaya dadka soo qaxa iyo waliba wada dhalashidii ka dhexeysay labada shacab ee walaalaha ah.

Waxaa xusuus mudan warbixintii ay soo saartay ha'adda caalamiga ah ee Dadka soo Barakaca - IMO - ay ku sheegtay in dad fara badan oo ka soo qaxaya Ogadenya ay sii maraan Boosaaso iyagoo u sii jeeda dalka Yaman oo qaar badan oo ka mid ah badaha ay ku dhinteen. Itobiya oon u baranin in caalamka laga ogaado dhibka ay ku hayso dadka shacabka ah, oo is-hortaagtay warbaahinta caalamka inay soo hubsadaan gaboodfalka ay ciidamadeeda ka wadaan Ogadenya ayaa hadda go'aansatay in la xidho wada kasta oo dadka shacabka ah ay sii maraan iyo xeryaha hoyga u ah caruurta iyo haweenka ka soo cararaya ciidanka Itobiya.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya u sheegtay hadda ka hor maamulada ka dhisan Somaliya in sirdoonka Itobiya iyo qaar u shaqeeya ay daba socdaan dadweynihii ay markii horeba ka soo bara-kiciyeen wadankoodii iyagoo ka fulinaya falal dambiyeed qorshaysan oo qaarna ku dilay, kuwa kalena ka af-duubtay oo hadda aan la ogayn inay noolyihiin iyo in kale.

Waxaan ka codsanaynaa maamulka Puntland inay haweenka iyo caruurta iyo dadka soo magangalay badbaadiyaan. Sidoo kale in dilkan qorshaysan ee sirdoonka Itobiya oo si madax banaan uga hawl gelaya Gobolka iyaga oo raba inay fidmo iyo colaad dhexdhigaan dadkan walaalaha ah in la joojiyo. Cidii fulisay dilalkaa is daba jooga ah ee dambiga ka gelaysa Shacabka soo qaxayna si xirfad ah loo baadho kadibna maxkamad la horkeeno.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com