shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Rabshado ka taagan Dalka Honduras.
 

(Honduras,  September 23,  2009 Ceegaag Online)

Wadanka ku yaala Laatiin America ee Honduras ayaa waxaa la soo sheegayaa in xaaladu marayso halkii ugu xumayd Markii ilaa maalintii axada ahayd uu Dalkaasi ku jiray Xaalad kala guur ah iyadoo ay jiraan dad caraysan oo Mudaharaad ka dhigaya ilaa hadda Magaaladda Caasimadda ah ee TEGUCIGALPA,Rabshadani ayaa la sheegay inay timid markii uu Dalkaasi Dib ugu soo laabtay Madaxweynihi horay Talada laga tuuray Manuel Zelaya oo iminka ku jira Safaaradda Brazil ay ku leedahay Magaaladda Tegucigalpa ee Caasimadda Dalka Honduras.

 
Wararkii ugu Dambeeyay ee aan ka soo xiganayno Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in kumanaan Ciidamadda Biliiska ah oo adeegsanaya Sunta dadka ka ilmaysiisa iyo Rasaasta caaga ah ay si wayn u waardiyaynayaan Xarunta Safaarada Brazil ee Magaaladda Tagucigalpi ka dib markii Dad Taageresan Mr;Manuel Zelaya soo buux dhaafsheeg iridka hore ee Safaaradda Brazil ku leedahay Dalka Honduras.

Xukuumadda inqilaabka ku qabsatey dalka Honduras ayaa safaaradda Barazil ka goysey korontadii, biyihii iyo weliba khadadkii telefoonada, waxayna amar ku siiyeen in ay banaanka u saaraan Madaxweynihii hore ee la inqilaabey ,Waxaa maalintii shalay isku dhacay Booliska Honduras iyo dadweyne taageersanaa Madaxweynihii la inqilaabey kuwaas oo ku soo ururay banaanka hore ee safaaradda iyadoo ay kula jiraan Safaaradda Madaxweynihi hore Zelaya Qoyskiisa iyo Taageerayaashiisa.

Si kastaba ha ahaate Dawladda Maraykanka ayaa horey ugu digtey Mr.Zelaya in uu dib ugu laabto Honduras, waxayna ku baaqeen in arinta lagu dhameeyo si diblomaasi ah, kulaabashada uu ku laabto halkaas waxa ay horseedi kartaa rabshado iyo xaalad deganaansho la’aan ah, ayaa lagu yiri war hadda ka hor ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka iyadoo Mr.Manuel Zelaya xilka looga tuuray inqilaab mileteri kaas oo aan wax dhiig ah ku daadan taariikhdu markey ahayd 28 bishii Juun ee sanadkan 2009 isagoo markii Xilka laga tuuray Magangelyo siyaasadeed waydiistay Dalka ay deriska yihiin ee Nicaragua.

Madaxweynaha Dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay in la dejiyo xaalada Madaxweynihi hore Zelaya"Waxaan ka dalbanayaa Beesha caalamka iyo Qaramadda Midoobay in Madaxweynenimadi dib loogu soo celiyo Zelaya sida ugu dhakhsaha badan lagana dhigo nin xor ah oo dadkiisa iyo Dalkiisa wax u qabta" ayaa uu yiri Lula madaxweynaha Dalka Brazil,Dhanka kale isna Madaxweynaha ay Xulufada Hantiwadaaga isla yihiin Zelaya Huga Chaves Madaxweynaah Vanasuella ayaa wariyayaasha u sheegay in QM dib awoodi ugu soo celiso Manuel Zelaya oo hadda ku xaniban Safaarad ku taala Magaaladda Tegucigalpa.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com