shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda France oo ku gacansayrtay Shuruudo uu Ururka Al-Shabaab ku xidhay.

(Paris,  September 17,  2009 Ceegaag Online)

Dowladda Wadanka France ayaa ku gacansayrtay Hadal Maanta uu soo saaray Ururka Mayalka adag ee Al-Shabaab oo ka dagaalama Somalia,Maanta oo Khamiis ah Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in Dawladda France aanay Aqbali doonin Bayaanka ka soo yeeray Alshabaab isla markaasna Ay taageero Hiil iyo Hooba leh la garab taagnaan Doonto Dowladda Faransiisku Dawladda uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Sharif Sheikh axmed.

Bernard Kouchner Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka France ayaa yiri"Waan wadeynaa Taageeradda aan siino Dowladda Somalia,Waana Dawladda kaliya ee Sharciga ah ee Maanta ka jirta Somalia.Waxay nala tahay hadaanu nahay Dowladda France inaan Wadayno Dadaalkeena aan ku sii daynayno Lahaystahayaga anagoo wajahayna Qaab kasta oo aan kula xaajoon karno Shabaab" ,Wasiirku wuxuu Carabka ku adkeeyay in Dowladda France ay danaynayso sii daynta Lahaysteheeda.

Sidoo kale Bernard Kouchner wuxuu Gaashaanka u daruuray Arrimo ay ka mid yihiin in Ciidamada AMISOM dalka ka baxaan, Ciidamada faransiiska inay Maraakiibtooda dagaalka kala baxaan Xeebaha Soomaaliya, soona daayaan Burcad badeeda ay gacanta ku hayaan Faransiisku. Lama Oga talaabadda ay Qaadan doonaan Ururka Alshabaab oo Nabarweyni ka soo gaaray Duqayn Gelinkii Dambe ee Isniinta ka dhacday Meel 30 KM u jirta Magaalo xeebeedka Baraawe iyadoo Shabaabna sheegen inay u aargudi doonaan Walaalohooda Gaaladu dishay waa sida ay hadalka u dhigeena.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com