shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dil Aargoosi ah oo ka dhacay magaalada  Sararawayne

(Sararawayne,  September 12,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa hada nasoo gaadhay war dhiilo leh oo la xidhiidha dhacdadii Aangalo ee sanadkii May 13, 2006. Dhacdadan oo ahayd dhacdadii lagaga takhalusay Caaqilkii Beesha Hayaag.

Dhacdadan oo hada Sadex jirsatay layskana diiday in lasoo afjaro ayaa hada waxaa  beesha reer Hagar oo uu dabka u siday rag uu ka mid yahay Cabdi madoobe Maxamed Xaaji Maxamuud ku toogtay magaalada Sararawayne laba nin oo kasoo jeeda beesha Hayaag labadan marxuum ayaa waxaa laka oran jiray

1. Maxamed Cabdigiir Dabagooye

1. Cabdifataax Maxamed Axmed Dabagooye

Warkan ayaa ah war hor dhac ah oo hada nagasoo gaadhay magaalada Buuhoodle wixii faah faahin ah kala soco shabakadan Ceegaag.

Shaqaalaha iyo Maamulka shabakada Ceegaag ayaa waxay tacsi u dirayaan dhamaan reer Dabagooye meelkasta oo ay Joogaan. Labada marxuumna waxaan ilaahay uga baryanaa in ilaahay janada ka waraabiyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com