shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhibaatooyinka ay keenaan Dawooyinka ay isku cadeeyan Hablaha Soomalida.

(Somalia,  September 29,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa caadiya in 80% hablaha Soomaalidu isticmaalaan Dawooyinka ay jirkooda ku badalayaan iyagoo ka cararaya midabka Eebe u dhaliyay ee "Madawga" waxaase aan shaki ku jirin in Dhibaatadda Hablaha Somalida ay u keento Dawaadaasi Muuqato marka loo eego bulsho ahaan oo noqotay saameynta ugu wayn ee Qoysas badan oo hadda dhisan,Hadaba si aan xog dheeraad ah u ogaado waxaan la kulmay Dr:Maxamuud Mustafa oo ah Dhakhtar Masaari ah oo ka hawlgala Cusbitaalka guud ee Magaaladda Qardho,Waxaana ugu horayntii waydiiyay bal inuu iiga waramo Dhibaatada ay yeelan karto Daawooyinka Chemicalka ah ee ay Dumarku Isticmaalaan wuxuuna ku jawaabay.
 
"Dhibaatadda ay yeelan karto Dawooyinka la isku cadeeyo ee ay Isticmaalan Hablaha Soomaalidu marka loo eego Biology ahaan iyo Chemical ahaan Layerka saddexaad ee loo yaqaan Dermiska ayaa waxaa ku jira Blood Vesselska iyo Neerfayaasha Dareenka haddi aan yara Milicsano waxyeelada ay ku leedahay Dhuumaha Dhiiga waxaa ay keeni kartaa in tani ay u fududeyso Dhaawacyo jarjara xididaosda Dhiiga taaso aad ka arki kartid dadka Isticmaala Daawooyinkaasi in Xididadoodu soo joogaan Banaanka waxaa kaloo ay Bahda caafimaadku ee Duriinku ka cabanayaan in ay ku timaado dilaac ay kala kulmaan Markay gelinayaan Irbada Veinska ama aroorayaasha waxayna taasi ay jirkooda ka dhigtaa in dhiigu banaanka u soo boxo oo haaro ahaan u muuqda,waxaa kaloo ay dadka Isticmaala Dawooyinkaasi ka cawdaan Dabka madaama Neerfayaashu ay Banaanka u soo bexeen,waxaana Neerfayaasha banaanka u soo saaray Bacaha lagu xiro Maqaarka bacahan oo ah kuwo Plastic ah oo ka qaybqaadanaya Falgalka(Reactionka) ka dhexdhacaya Maqaarka iyo Dawooyinka" ayaa uu yiri Dr:Maxamuud Mustafa.
 
Hadaba Nawaal Axmed Cabdiraxmaan oo ah Gabadh sooomaaliyeed oo Dhigata Machadka Culuumta Caafimaadka ee Magaaladda Bosaso ayaan waydiiyay bal inay ii sharaxdo Habka uu u dhoco Isbedelka Jirta inta ay Habluhu Marsanyihiin Daawooyinka la isku cadeeyo ee(Cosmeticska) "Maadaama uu falgal meesha ka dhacay waxaa soo baxaya Maxsuul kaaso keenaya inad dareentid Ur qurmuun oo aanu qofku horay u lahaan jirin,Dawooyinkaana looguma tala gelin isticmaalka Iscadaynta jirka Bani'aadamka ee waxaa loogu talagalay Isku daweynta cudurada Maqaarka ku dhaca Qeybtood sida Boomatada loo yaqaan Duranava ,mana aha Daawadu hal nooc oo kaliya waxaa jirta in Noocyo badan la isku qaso kuwaasi oo kala duwan,Waxaana la sugaa xiliga falgalku joogsado waxaana ka qaybqaata Kulka oo dadajiya iyo bacaha oo la isku xiro kuwaaso iyaguna ka qaybqaadanaya Kul ahaan oo u diidayaa Uumibaxa iyo Qalaylkaa,Badanaa waxaa la sheegay in Gabdhuhu markay marsanyihiin Daawoyinka la isku cadeeyo aanay xitaa Salaada isku dayin,Waxaana taasi u sababa":
 
1-Dawada oo qaaliya ah
2-Reactionka oo qaata inuu dhoco wakhti dheer.
 
Maxay Dhibaato jirka u keenaan Dawooyinkaani ayaan markale waydiiyay Nawaal Axmed C/raxmaan waxayna iigu jawaabtay"Walaxda loo yaqaan Malenin oo ka hortagta Falaaraha Ileyska Qoraxda ayaa ay jirka ka dhameeyan Taasi oo ka ilaalisa inuu jirka ku dhoco Cudurka loo yaqaano Cancerka,Waxa kale oo u keensan kartaa Dawadani jirka Dhibaato aad u wayn Maadaama ay ku jirto Sunta loo yaqaano Mercury".
 
Si kastaba ha ahaate Sunta loo yaqaano Mercury Hablaha ismariya aad bay ugu Faraxsanyihiin mar ay korka iska eegaan lakin ma oga ama waxay iska dhega tiraan Hablahaasi Waxyeelada hoose ee jirkooda soo gaaraysa inkastoo aan Qoraa ahaan leeyahay "Quruxdu waa Qalbiga" .
 
Abdirashid Mohamed Dahir-Ceegaag Online

webmaster@ceegaag.com