shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Masuuliyiinta DKMG ah ee Somalia oo Maanta Salaada Ciidul-Fidriga ku Tukaday Muqdisho+Sawiro.

(Muqdisho,  September 20,  2009 Ceegaag Online)

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia Maanta ma jirin Goob fagaare ah oo ay Dadku isugu soo bexeen si ay u gutaan Salaadda Ciidul-Fidriga Maadaama Dadkii Muqdisho Deganaa ku darxumaysanyihiin Duleedka Miyiga ah ee Muqdisho halka kuwo kalena ay ku Baabe'een Madaafiicda lagu Garaacayo Guryaha ay Dadka Masaakiinta ah Deganyihiin.

Hadaba Meesha kaliya ee La xusi karo in laga Tukaday Muqdisho Salaada Ciidul-Fidrigu waa Xarunta Villa-Somalia oo ay ku urursanyihiin Gebi ahaan Masuuliyiinta DKMG ah ee Somalia,Masuliyiin ay ka midyihiin Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke iyo Madaxweyne Sharif sheikh Axmed ,Qaar ka mida Labadda gole(Baarlamaanka iyo Wasiiradda) ayaa ku tukaday Gudaha Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia halkaasi oo uu salaada ka saaray Madaxweyne Sharif Sheikh axmed.

 

Madaxweynaha oo dadka tujiyay xilligii salaada, ayaa kadib halkaasi waxa uu madaxweyne Sheekh Shariif ka jeediyay khudbad Carabi aheyd taasoo uu kaga hadlay arrimo ku aadan fadliga iyo maqaamka bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ummadaha Islaamku ay maanta macsalaameeyeen ,Shariif ayaa khudbadiisa ku soo qaatay aayado fara badan oo Qur’aanka iyo axaadiith ku aadan muhiimada maalintan Ciidul Fitriga, wuxuuna shacabka xusuusiyay in maanta oo kale ay tahay maalinta Cafiska.

Sharif ayaa carabka ku dhuftay in Diinta Islaamka Maanta si khalada loo turjumay oo Shacabkii Khalad laga dhaadhiciyay Taasina buu yiri ay kaliftay in Halaag ka abuurmo waa sida uu hadalka u dhigaye.Madaxweyne Sharif ayaa kula dardaarmay dadkii halkaasi ku oogay Salaada in lixda maalin ee Wadaca ee ka dambeysa Ramadaanku ay muhiimad gaar ah ka leedahay Alle agtiisa, isla markaana lagu taamilyeelayo wixii khaladaad ahaa ee Ramadaanka ka galay qofka Islaamka ah, isla markaana lagu daahir yeelayo 29-kii maalin ee la soo Soomay.

Si kastaba ha ahaate Dadka halkaasi isugu Yimid oo u Badnaa Masuuliyiinta Dowladda KMG ah ee somalia ayaa la dhihi karaa Waa dadka kaliya oo Muqdisho ku ciiday si Baqdini ku jirto Maadaama ay Magaaladu isu bedeshay Goob dagaal oo Nin walbaaba Dhufayskiisa ku jiro Taasina aanay suurto galinayn in Meel fagaare ah la isugu yimaado Marka la eego Xaaladaha ka taagan Magaaladda Muqdisho.

Isku soo wadda duubo waxaa jira Magaalooyin kale oo ku teedsan Koonfurta Somalia sida,Kismaayo,Baydhabo,Jowhar,Marka iyo Magaalooyin kale oo iyana Laga tukaday Salaada Ciida kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta Mayalka adag ee Al-shabaab iyo Hizbul Islaam.

 

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com