shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

W.Kaluumaysiga Punt"Wasaaradaydu Waxay la dagaalamaysaa Burcad badeeda".

(Boosaaso,  September 22,  2009 Ceegaag Online)

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga ee Puntland Maxamed Faarax aadan ayaa Maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Bosaso ee Dekeda ah wuxuuna Wasiirku ugu horayntii ka waramay Waxqabadka wasaaradiisa tan iyo Intii ay jirtay iyo Kaalinta ay Burcad badeedu ka ciyaarto Xeebaha Puntland,Maxamed Faarax aadan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Wasaaradiisu Dib u habayn badan ku samaysay Laamaha Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda mudane Maxamed Faarax Aadan ayaa waxa uu sheegay in isaga markii uu imaanayey Wasaaradda ay shaqaalaha wasaaradda si u kala dadsanaayeen islamarkaasna uu isaga dib u habeyn ku sameeyey guud ahaan shaqaalaha wasaaradda isagoo sheegay in uu qof weliba oo ka mid ah shaqaalaha uu haatan qaato mushaarkiisa Inkastoo uu wasiirku Xusay inaan Wasaaradiisu si wayn u hawlgalin.

Maxamed Faarax Aadan Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa sidoo kale Carabka ku dhuftay in Wasaaradiisu Xiriiro badan oo dibada ah samaysay isla markaasna uu hadda Diyaar u yahay Xiriirinta iyo Dhamaynta Hawsha Wasaaradiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay Kaalinta wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda ay ka ciyaari karto La dagaalanka Burcad badeeda Somalida oo Badanaa ka qowlaysta Xeebaha ku teedsan Biyaha Gobolada Puntland "Wasaaradaydu waxay la dagaalamaysaa Burcad badeeda,Waad ogtihiin Safaro badan oo Dibada ah ayaanu u baxnay Wakhtiyadi ugu Dambeeyay Khaasatan Safarkii Madaxweynaha ee Maraykanka waxa ugu wayn ee laga wada hadlay waxay ahayd la dagaalanka Burcad badeeda runtiina Dowladda Puntland Mashaariic farobadan bay u heshay La dagaalanka Burcad badeeda".

Si kastaba ha ahaate Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa ah wasaaradi ugu horaysay oo lagu soo daro Golaha Wasaaradda ee Puntland tan iyo Intii la dhisay Puntland sanadkii 1998,Wasiirka Cusub ee wasaarada ayaa horay u sheegay inuu Horumarin xaga shaqada ah ku samaynayo Wasaaradiisa markii uu iscasilay Wasiirki horay Loogu Magacaabay Saleebaan Ciise axmed(Xaglotoosiye) oo sheegay inaanu garayn Shaqada Wasaaradan.

www.ceegaag.com  


 

webmaster@ceegaag.com