shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Al-Shabaab oo Bayaan ka soo saarey Nin faransiis ah oo u afduuban.

(Muqdisho,  September 17,  2009 Ceegaag Online)

Urur Diimeedka Mayalka adag ee A-Shabaab ayaa Maanta oo Khamiis ah Bayaan ka soo saarey Nin Faransiis ah oo u afduuban Muddo ka badan Bil, Bayaankani ayaa Ahaa mid Xambaarsan Shuruudo badan oo ay Al-Shabaab ku xireyso Dawladda Faransiiska kuwaasi oo u muuqda kuwa si aada looga soo baaraandegay.

Al-Shabaab ayaa Saxaafadda Siisay Nuqulo ay ku qoranyihiin Qodobadda Shuruudaha ah ee Lagu cadeeyay Bayaankan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab:-
Bayaan ku aadan sii daynta Sarkaalka Faransiiska ah:-

Ummada Muslimka ah meel kasta oo ay joogto waxay maanta maraysaa marxalad aad u adag iyadoo ay isugu soo habar wacdeen cadow oo idil, cadowgaas oo xasuuq u gaysanaya dad birimagayda ah, xabsiyadiisana ay ka buuxaan dad aan wax danbi ah lahayn, burburin baaxad lehna ku wada dhamaan wixii hanti ah oo ay ummadu lahayd, wadamada ay dhibaatada darani ka taagantahayna waxaa ka mid ah: Soomaaliya, Falastiin, Ciraaq, Afghanistaan, Kashmiir, Jejniya, Aljeeriya iyo meelo kale oo badan.

Iyadoo sidaas ay tahay hadana waxaa ka go’an Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab sii wadista Jihaadka ay ku doonayaan in dhibta ay kaga dulqaadaan Ummadooda Soomaaliyeed ee Muslimka ah .

Allaah SW fadligiis Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen howlgal ay kusoo qabteen Sarkaal Sare oo katirsan nabadsugida dalka Faransiiska.

Sarkaalkan ayaa ah mid si rasmi ah u matalayay Sirdoonka wadanka Faransiiska, wuxuu Soomaaliya u yimid si uu xog ku saabsan ummada Soomaaliyeed iyo hogaankeeda Mujaahidiinta ah u soo ururin lahaa uguna gudbin laha Dalkiisa, uuna gacan uga gaysan lahaa samatabixinta Saliibiyiinta loogu magac daray Amisom, sidoo kale in uu ka qayb qaato taageerida Dowladda Ridada ah ee uu hogaamiyo Shariif, isagoo u tababarayay ciidamo gaar ah oo Nabadsugid ah oo ay kula dagaalamaan Mujaahidiinta, iyo isaga oo ceelalyo u ah Maraakiibta dagaal ee uu Faransiisku soo dhoobay Xeebta Soomaaliya eek u teedsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka carbeed.

Hadaba si uu sarkaalkaasi Xoriyadiisa dib ugu helo waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab hordhigayaan dowlada Faransiiska dhowr qodob :

Qodobada Siyaasiga ah:

1- Waa in ay dowladda Faransiiku joojisaa dhamaan wixii kaalmo milatari iyo mid siyaasadeed ah oo ay siiso Dowlada Ridada ah ee Shariif, wadankana kala baxdaa dhammaan la taliyeyaasheeda xagga Amaanka.

2- Waa in dowlada Faransiisku ka saarto Dalkeena ciidamada Saliibiyiinta ah ee Amisom gaar ahaan kuwa Burundi.

3- Waa in ay la baxdaa dhamman sharikadaheeda xagga amaanka ah ee ka hawl gala gudaha Soomaaliya.

4- Waa in ay la baxdaa dhamaan Maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya.

Qodobka Isdhaafsiga Maxaabiista:

Dowlada Faransiisku waa In ay sii dayso dhamaan Maxaabiista Mujaahidiinta ee sida xaqdarada ah ugu xiran xabsiyo farabadan oo ku kalayaalla meelo kala duwan oo aan dib ka soo sheeegi doonno insha’allaah.

Allah SW waxaan waydiisanaynaa in uu na waafajiyo wixii wanaag iyo khayr umadda ugu jira...........Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin.

Isku soo wadda Duubo waa Markii ugu Horaysay oo Ururka Al-shabaab Bayaan kaga Hadlo xaaladaha Ninka Faransiiska ah ee u afduuban iyadoo ay ahayd Labbo todobaad ka hor markii Ninkii kale ee lala Afduubay ninkan Al-shabaab Gacanta ugu jira uu ka baxsaday Ururka kale ee ay xaga Dagaalka ka midaysanyihiin Alshabaab(Hizbul Islaam).

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com