shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barasaabkii Gobolka AP ee Dalka India oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday.

   (Hyderabad, September 03,  2009 Ceegaag Online)  

Dr. YS Rajashekhara Reddy Barasaabkii Gobolka Andhra Pradesh ee Dalka India ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay Buuralayda Rudrakonda hill Nallamalla range ee Degmada Kurnool oo uu Barasaabku ku wajahnaa..

Shalay 8:45AM saacada Magaalada Hyderabad ayay diyaarad Helicopter Barasaabka ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Begumbet Airport saacad kadib ayaa la waxaa go’ay isgaarsiintii Helicopter tii siday Barasaabka  baaritaan culus oo ay Dawlada India samaysay 24 Saacadood ee u dambeeyay laguna howlgaliyay 15,000 Ciidamo Melateri ah ayaa ka dib la helay halkii ay ku dhacdey iyo Maydadka barasaabka iyo 4 qof oo la socday..

                                   

Dalka India ayaa gabi ahaan laga Murugeysanyahay iyadoo Dr. YS Rajashekhara Reddy uu ahaa Siyaasi Ruug cadaa ah una horseeday Xisbigiisa Congress Party Guulo wax ku ool ah oo ay aqlibiyad kuhelaan Doorashooyinkii ka dhacay Gobolka AP sanadihii 2004 & 2009.

                                     

                                              Dr. Reddy oo saxafada la hadlaya saacad kahor inta uusan ka ambabixin Hyderabad

Ra’iisal Wasaare Dr. Manmohan Singh iyo Haweyneyda Madaxda u ah Xisbiga Congress party Smt. Sonia Gandhi ayaa Tacsi tiiraanyo leh gaarsiiyay qoyskii uu ka geeriyooday Dr. YS Rajashekhara Reddy maalinimada Jimcaha u duulidoona Magaalada Hyderabad si ay uga qeybgalaan Aaska Barasaabka Dr. YS Rajashekhara Reddy.

Dhinaca kale Gobolka Andhra Pradesh ee Dalka India ayaa waxaa ku nool Arday Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaaftay 2, 000 oo Arday oo wax ka barta Jaamacadaha kala ah Osmania University, Andhra University, Hyderabad University, Manipal University, kakatiya University, iyo Jawaharlal Nehru Technological University.

   ****************************************************************************************************

         Madaxweynihi Dalka Maldova oo shaqadda ka tegay.

Madaxweyne Vladimir Voronin oo ahaa madaxweynihi Dalka ku yaalla Bariga yurub ee Moldova ayaa shaqaddi Madaxweynenimo isaga Tagay waxaana loo aaneynayaa inay soo dedejisay shaqo ka tegistiisa markii loo soo jeediyay Eedaymo gudaha ah oo la xariiira Musuqmaasuq uu gaystay Vladimir Voronin ,iyadoo oo uu Taladda dalka Maldovia hayay Muddo gaaraysa 8sano balse Vladimir Vorinin ayaa sheegay inuu Baarlamaanka Dalkiisa ka hor cadeeyay Iscasilaadiisa isagoo carabka ku dhuftay inuu gartay inuu shaqadda ka tago markii ay xisbigiisa Shuuciyiintu ku khasbeen inuu iscasilo.

Dalkani Maldova ayaa waxaa uu yahay wadan shuuci ah waxaana uu u dhexeeya wadamada Ukraine iyo Romania waxaana uu ka mid yahay wadamadda ugu saboolsan Qaarada Yurub ,Madaxweyne Vladimir Vorinin waxaa uu taladda dalkaasi Maldovia la wareegay sanadkii 2001 wakhtigaasi oo ay shuuciyuunta taladda la wareegen,Dad Turkish ah ayaa degan gobolka cirifka Maldova ku yaala ee Gagauz iyadoo Dagaalo dadka shuuciyiinta ah iyo Dadkaasi u dhexeya dheceen ayaa hadana waxaa la dhexdhigay Xabad joojin.

Dalka Maldovia ayaa ah Dal siyaasad ahaan Degan waxaana Dadka Amaana madaxweynaha Taladda ka degay ee Vladimir voronin sheegaan inuu horumar u horseeday Dalka Maldova ka dib markii uu dhisay Goobo caafimaad oo waaweyn iyo xarumo ganacsi oo aad u balaaran kuwaasi oo waxweyn ka bedelay Dhaqaalaha iyo siyaasadda Dalka Maldovia.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com